Gudida anshaxa doorashooyinka Somaliland oo digniin kama danbaysa ha u jeediyay maareeyaha dekada Ber bera iyo agaasimaha TV-ga qaranka.





 

Hargeysa (TNN)-Gudiddida anshaxa doorashooyinka Somaliland ayaa digniin kama  danbay sa ha u diray  tele fishanka qaranka,iyaga oo ku eedeeyay xukuumada madax wayne  Ray aale iyo xisbiga  tala da haya ee UDUB in ay ol-olaha doorashada u adeesadeen habtida iyo gaadiidka dawlada oo ay sheegeen in ay tahay hanti u dhex ah guud haan umadda reer somaliland iyo  xisbiya da kaleba,sidaasna waxa ay ku sheegeen guddidu war saxaafeed ay maanta ka soo  saare en xaruntooda magaalada hargaysa.


Sidoo kale waxa ay guddidu war saxaafadeedkoodan ku sheegeen in ay xukuumada iyo  tel efishanka qaranku jabiyeen qodoba ka mid ah heshiiskii hab dhaqanka iyo doorashooyinka ee ay kala saxeexdeen seddexda xisbi.

Waxa kale oo ay guddidadani eedayn u jeediyaan maareeyaha dekeda ber bera oo ay  she egeen in uu si badheedh ah ugu ol-oleeyay xisbiga UDUB,taasi ooay sheegeen in ay tahay mid aan sharci ahayn.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Ilaa iyo iminka shaqo  m aalmeedkayaga waxaanu qabanay dacwado badan oo ay soo gudbiyeen  xisbiyadu.dacwa dahaas oo aanu darisnay oo aanu ku dadaalno in aanu ugu jawaabno qoraal, dacwadahaas waxaa ka mida qaar aan culays badan lahayn,qaarna waa qaar gudigu ay u arkayaan inay yihiin sharcigii oo la jabiyey oo lagu tuntay oowaliba markaanu digniin siinay aanay badalin habdhaqankoodii oo aan uga digaynay oo iska sii watay iyagoon ixtiraamaynheshiisyadii  d haman xisbida qaranku ay ku heshiiyeen oo ay tahay inay si buuxda u fuliyaan,gudigga  ma rkay baadhay heshiisyada la jabinayo anagoo ay naga reebantahay xagjirad ama  hanaan ka dhinac ah waxaanu gaadhnay qaraaradan soo socda. Saddexdan qodob ayaa ah  xad gudubyada aad ugu waawaynee la jabiyey

1.warbixinta ololaha doorashada ee tealifishanka qaranka .

2.isticmaalka gaadiidka dadwaynaha ee xisbiyda qaranka.

3.iyo ololaynta firfircoon ee shaqaalaha dawlada .

Sida ku qoran heshiiska habdhaqanka xisbiyda siyaasadeed(code of conduct)talafishanka qaranku waa hayada umadda u dhaxaysa oo laga filayo inay ololaha doorashada six or iyo xalaal ah oo siman uga warbixiso umadda siisana wakhti ku filan dhamaan xisbiyada  siyaa sadeed eek u tartamya codadka dawaynaha rer Somaliland.ilaa iminka anagoo digniin  bad an siinay una yeedhanay sarkaalka masuulka ka ah talafishanka qaranka,anagoo  marlabaa dna u yeedhnay una dignay oo uu noogu balan qaaday habdhaqankiisa ah cadaalad darada ah in uu saxayo hgaajinayana, iyadoo jirto waxaa soo dadaala oo aanu samaynay wax iska bedelay ma jirto habdhaqankii cadaalaad darada ahaa.iminka waxaanu soo jeedinaynaa in guddiga doorashada qaranku talabo anshax marineed ka qaadan sidu xusayo heshiiskii  ha bdhaqanka siyaasadeed.Qodobka labaad ee soo noqnoqonayaa waxaa weeye  sharcidara da xisbiga dawlada ee u jeedadisa ololaha ee u isticmaalaya gaadiidka  dadwaynaha. waxa anu aad ula soconaa meelo badan oo wadanka ka mida oo arimahaasi ka ka dhaceen sida ay noo soo sheegeen wakiiladayada jooga gobolada oo ay noo soo tabiyeen.

Waxaanu idin xusuusinayaa sidaad idinkuba ogtihiin inay tahay hanti dadwayne oo  cashuu rtii dadwaynaha laga qaaday lagu soo iibiyay.sida seddexda xisbi wada saxeexeen waxay jebinaysaa heshiiskii habdhaqanka,ka soo ah ka la inoo igmaday inaunu ku shaqayno  ilaali nana hadaanu nahay gudigga.gudidu waxay ku adkaysanaysaain heshiiska ay wada galeen seddexda xisbi ay wada ixtiraaman.hadaba tani waxay reebaysaa isticmaalka hantida  dad waynaha ama gaadiidka dadwaynaha ee dhinaca kaliya u isticmaalo ujeedadiisa gaarka ah, waxaanu waliba u qornay xoghaya guud ee xisbiga talada haya ee arintani khusayso una sheegnay inuu u digo xubnaha xisbigiisa in ay joojiyaan gabood falkan. Waxaa na soo  gaad hay in maayaro laga dhigay gaadiidkii ay umadda ugu shaqaynayeen sababtoo ah waxay ka wareegeen xisbigii xukuumada.

Qodobka saddexaad waxaanu idin xusuusinaynaa in aanu soo xigano warsaxaafadeedkaygii ugu dambeeyey oo aanu uga digayno foognaanta ama ka qay qadashada firfircoon ee  sha qaalaha dawlda u ololaynta doorashadu ka madnuuc tahay.shaqaalaha dawlada waxaa loo qora y inay u adeegaan bulshada dhamaanteed si siman,waxaa ka reeban in maqaamkooda shaqaalanimo ayn si furan ugu ololayninxisbina.waxaa kale oo anu sheegnay incid sharci  ja binkaraa anay jirto, hadii la jabiyana in talaabo anshax marineed laga qaadayo”hadaba  wa xaa nasiib daro ah in umaddu ka arkaysa talifishanka iyo warbaahintaba shaqaalihii u  dhax eeyey umadda oo ay ka madnuuc ahayd in xisbiqudha u shaqeeyaan si gaar ahna u  shaq eeyaan oo maalin walba si joogtaa ah ugu ololaynayaan oo talafishanka maalin walba lag a arkayo umadduna daawanayso.siduu mamnuucaoyo heshiisku iyoxeerka shaqaalaha  numb er 7, kuwii ay ahyd inay sharcigan shaqaalaha iyo heshiiskan ilaaliyan ayaa ku tumanaya .Guug ahaan ololihii doorashadu si nabad galyo ah ayuu u socdaa, waxaa farxad leh  umad da Somaliland ay aad ugu hanwayn tahay doorashada madaxwaynaha ayna foojiganyihiin nabad gelyadana ay wada ilaalinayaan. Waxay dadwaynuhu ka rajaynayaan murashaxiinta inay si buuxda u ixtiraamaan natiijada ka soo baxda doorashada xisbigii doonaaba ha guulaysto.

waxaan idiin balan qaadaynaa in aanu si dhexdhexaad ah iyo cadaalada ah hawsha u gudano ilaa inta doorashadu dhacayso”





Axmed Maxamed Cadaad
(chairman emc)