WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu mag acaabay Guddida Ka Hor-tagga Dhaqan-xumada oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaar adda Diinta iyo Awqaafta.

Waxaanu Madaxweynuhu Magacaabistan Gudida ku yidhi Mudanayaal,waa xilka Xukuumadda in laga hortaggo cid-kasta oo anshax-xumo ku abuuraysa Bulshadda Somaliland dhexdeeda, isla markaana waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumaddu ka hor-tagto dhaqan-xumadaas.

Haddaba, aniga oo ka duulaya qodobka 5aad ee Dastuurka Qaranka iyo warbixinta Wasaar adda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adaha Aminiga ee Qaranka, waxaan idiin magacaabay Gud dida Ka-hor-tagga Anshax-xumada.

Sidaas darteed mudanayaal, waxa aan idin farayaa in aad wax-ka qabataan dhaqan-xumad aas oo Qaranka laf-jab ku ah, idinka oo waafajinaya shuruucda dalka.


XUBNAHA GUDIDU KA KOOBAN TAHAY



1. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Guddoomiye

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xubin

3. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin

4. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Xubin

5. Taliyaha Ciidanka Booliiska Xubin

6. Taliyaha Sirdoonka Qaranka Xubin

ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.