Guddooomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Shaaca Ka Qaaday HeshiisyoDhex Maray Jaamacado Ku Yaala Mareykanka Iyo Yurub

 

Hargeysa, December 28, 2009( Timacade News) - Guddoomiyaha Jaamacadda  Harge ysa, Dr Xuseen C/laahi Bulxan ayaa sheegay in uu xidhiidho caalami la soo sameeyay  jaama cado caan ah oo ku kala yaala qaaradaha Mareykanka iyo Yurub, isagoo  dha nka kalena sheegay in ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan fiiga jaamacadda laga caawin doono siddii ay waxbarashadooda u sii wadan lahaayeen.Dr.Bulxan waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa ugu  warama yaya warbaahinta  kad dib markii uu ka soo noqday safar laba bilood qaatay oo uu ku tagay dalalka  Mareyka nka, Canada, Sweden iyo Ingiriiska.
 

Warbixin kooban oo uu Dr.Bulxan siiyay warbaahinta ayaa waxa hadalkiisii ka mid   a ha a“safar baan u baxay hawl jaamacadeed ah, laba bilood ku dhowaad baan  maqn aa, iya doo jaamacad EMU la yidhaahdo oo xidhiidh hore naga dhexeeyay aanu  salu ugnay, mar kaa jaamacadaa waan u tagay, waxay ku dhowdahay Washington DC, halkaa markii aan tagay ayaa madaxdoodii iyo hay’adii lacagta bixinaysay aanu is aragnay, heshiiskii dib baanu u qoray, wax jaamacadda Hargeysa wax ku ool u ah ayaanu sameynay, markii aan Washington tagay waxan bilaabay in aan jaamacado kale la xidhiidho si aan ugu soo xidho jaamacadda Hargeysa, waan ka tagay oo  hadd ana dhowr jaamacadood oo  Minn esota ku yaala ayaan xidhiidh la soo sameeyay, intaa kaddib waxan u kicitimay xagaa iyo Toronto oo iyagana aanu jaamacado halkaa ku yaala aanu xidhiidh la soo sameynay, haddana Boston oo aanu xidhiidh  wanaag san laheyn baan ku soo noqday, markaa  kaddi b waxan tagay shir ay jaamacadaha Soomaalidu ku doonayeen siddii ay kaalmo uga heli lahaayeen EU-da iyo dalka  Swed en, halkaa guul wanaagsan baanu kala nimid, jaamaca dihii kale ee Swedish-ka  ahaa na waan tagay, kaddib waxan imi dalka Ingiriiska gaar  aha an Kings College oo  dhak haatiirta wax noo bara, Cambridge, Cardif iyo Bristol jaamacado ku yaalana waan la kulmay, guud ahaan ilaa 24 jaamacadood oo ku yaala Yurub iyo  Wo qooyiga  Marey kanka ayaan la soo kulmay, ardayda bushaaro wanaagsan baan u hayaa iyagana waxa laga doonayaa dedaal inay la yimaadaan, runtii dariiq dheer baan soo  m aray cid kasta oo aan la kulmo waxan ka dhaadhicinayay inay taageeraan Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan ardayda aan fiiga iska bixin karin siddii looga bixin lahaa ayaan ku dedaalay waanan ku soo guuleystay oo dad badan baa ii balan qaaday inay ardayda jaamacadda ka bixin doonaan”.

Intaa kaddib waxa saxaafada la hadlay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda  Harge ysa, isla markaana ah akaadaamiga iyo arimaha ardayda, Mubaarik Ibraahin Aar oo ka  wara may dareenkiisa ku aadan safarka uu guddoomiyaha Jaamacadu ka soo noqday, waxana hadaladii Mubaarik ka mid ahaa “ aad baan ugu faraxsanay guusha uu guddooomiye  Bul xan u soo hooyay jaamacadda Hargeysa, safar dheer buu ugu baxay qaaradaha  Marey kanka iyo Yurub, isagoo runtii guulo waaweyn u soo  hooy ay jaamacadda Hargeysa, waa nu ku hambalyeynaynaa waxanu rajaynaynaa in  aa nu halkaa ka sii wadno oo aanu sii wadno tayaynta waxbarashada jaamacadda  Har geysa” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Mubaarik.

 



Source:Haatuf