Guddoomiyihii Gudida Doorashooyinka Somliland oo iscasilay & Geelle oo loo doortay Gudoomiyaha Gudigaasi

 


Hargeysa (TNN):- Gudoomiyihii Guddidda Doorashooyinka Somaliland Inj.Ciise Yuusuf M axamed ayaa maanta xilkii gudoomiyenimo iska casilay, isla markaana ay xubnaha gudd idaasi ka aqballeen is-casiladaasi.

Guddidda doorashooyinka ayaa markiiba gudoomiye cusub u doortay Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo hore u ahaa afhayeenka Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha iska casilay ayaa sheegay inuu arrimo shakhsi ah uga dagay xilkaasi, wa xaana iscasiiladaasi iyo doorashadda gudoomiyaha cusuba lagu sheegay war-saxafade ed maanta ka soo baxay guddidaasi.

"Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22ka April,2014 waxa uu komishanka doorashoo yinka qaranka la socodsiinayaa bulsho weynta reer Somaliland, xisbiyadda siyaasada, xukuumada iyo daneeyayaasha doorashoyinka in gudomiyihii komishanka doorashooyin ka Ciise Yuusuf Maxmaed uu arrimo shakhsi ah awgeed codsaday inuu banneeyo jagada gudoomiyaha guddidaasi taas oo uu qoraal rasmi ah kaga codsaday xubnaha guddida bishan 20 kii April"ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay guddidaasi.

Waxaana intaas lagu daray " xubnaha guddidu waxay si wada jir ah uga aqbaleen in mu dane Ciise Yuusuf Maxamed uu banneeyo jaga gudoomiyaha KDQ".
Sidoo kale, waxa qoraalkaasi lagu sheegay in guddida doorashooyinku shalayba u door teen gudoomiye inuu noqdo Maxamed Axmed Xirsi Geelle. Si kastaba ha ahaatee, waxay toddobadda xubnood ee guddidaasi ka koobantahayba ka aqballeen is casiladaasi, wax aanay gudoomiye markiiba u doorteen gudoomiye cusub taas oo ay ku wada saxeexnaayeen.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland