Guddoomiyihii Bankiga Dhexe oo Is Casishay

 


Muqdisho (TNN):_Xukuumadda Somalia ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Som alia Yussur Abraar ay xilkii iska casishay.Sarkaal ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa u sheegay VOA in Yussur Abraar ay istiqaalada gudbisay 30kii October iyada oo qoraal ahaan ugu dirtay Madaxawene Xasan Sh Maxamuud.

Yussur Abraar oo ahayd haweenaydii ugu horaysay ee loo magacaabo Jagada Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia ayaa waxaa xilkan loo magacaabay bishii September.Guddoomiyaha ayaa warqadda istiqaalada ku xustay in tan iyo markii xilka loo magacaabay si isdaba jooga loo ga codsaday inay ku xadgudbto mas’uuliyadda ay u haysay umadda.

Laakin sarkaal ka tirsan xukuumadda oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama oo anu fasax u haysan inuu ka hadlo arrintan ayaa VOAda u sheegay in eedaymaha ay soo jeedis ay guddoomiyuhu ay waxba kama jiraan yihiin.

Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in Guddoomiyaha Bankiga dhexe tan iyo markii la soo magacaa bay ay Muqdisho tagtay todobaadkii hore, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ku aaminay in ay dib u habayn ku samayso hannaanka maaliyadda, laakin mas’uulkan ayaa ku tilmaamay gudd omiyaha inay xilkaasi ka baxsatay.

Yussur Abraar ayaa muddo badan ku noolayd dalka Maraykanka ka hor intii aanu magacaabin madaxwenuhu.Sarkaalkan ka tirsan dawladda Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Yu ssur Abraar ay markii ugu horaysay ku kulmeen shirkii “Hiigsiga Cusub” ee lagu qabtay Brussel s, shirkaasi oo Somalia loogu yaboohay lacag gaadhaysa 2.7 billion oo doolaar.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay bishii July ayaa lagu xusay in musuqmaasuqu uu halkiisii ka socday iyada oo ay timid dawladd cusub.Qaramada midoobay aya xustay in 80% lacagta laga saaro bankiga dhexe loo adeegsado si gaar ah.Dawladda Somalia ayaa gaashaank a ku dhufatay eedaymahaas




Source:VOA