Guddoomiyeyaashii DALSAN iyo RAYS oo ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay

 



Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa kulan marti qaad ah oo uu u fidiyay afartii urur siyaasadeed ee ku hadhay tartankii Doo rashadda Goleyaasha deegaanka waxa ka soo qeyb galay Gudoomiyeyaasha Urur siyaasadeed yadii DALSAN Iyo RAYS Ismaaciil Aadan Cismaan Iyo Xasan Gaafaadhi, halka labadii Urur siyaas adeed ee UMMADDA Iyo XAQSOOR aanay ka soo qeyb galin kulankaasi marti qaadka ahaa.

Kulankaasi ka dib waxa xarunta madaxtooyadda Saxaafadda kula hadlay Guddoomiyeyaasha DALSAN Iyo RAYS, kuwaasi oo madaxweyne Axmed Siilaanyo uga mahad celiyay kulankaasi marti-qaadka casho-sharafta ah ee uu u sameeyay.

Guddoomiyihii Urur siyaasadeedkII RAYS Xasan Gaafaadhi oo ugu horayn ka hadlay kulankii ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland wuxuu yidhi “Annagoo ixtiraamayna cashada uu madaxweynuhu noogu yeedhay aanu ka soo qeyb galay. Waxyaabaha laga wada hadlayayna ay ahayd doorasho ayaa dalka ka dhacday, cidina way soo baxday, cidina kumay guulaysan kaalmihii lagu soo baxayay. Afar urur baanu ahayn, qaarkayo caawa halkan ayay joogaan, qaarna way maqan yihiin.”

Guddoomiyihii RAYS oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Wixii soo baxay way soo baxeen, wixii aan soo bixina waxay u baahan tahay in iyaga laftooda la tuso inay ka mid yihiin ummaddii iyo mujtamacii balaadhnaa. Wax kastaaba ha jiraane’,tabashooyin badani way jirayaan. Mar haddii doorasho dhacday oo cid loogu dhawaaqay oo maxkamadi go’aan gaadhay horena waan u sheegnay in wixii ay maxkamadaasi ay go’aan gaadho inaanu qaadan doono, qanaacaddu waa meesheeda sidii baanan ku qaadanay oo aanu ku soo ajiibnay casuumadda uu madaxweynuhu noo sameeyay.”

“Annaguna waxaanu soo jeedinay in la isla doono shacbigii reer Somaliland. Mar walbana ay dantu ku jirto nabad-gelyadda iyo midnimadda, waxaanu soo jeedinay in wixii doorashadaasi ay xangaruufooyin ka tagtay in la kabo oo mid walba tabashadiisa lala eego ayaanu madaxweyna ha u soo jeedinay. Ma lihin waanu ku qanacsan nahay laakiin waanu qaadanay,”ayuu yidhi Xas an Gaafaadhi.

Guddoomiyihii Urur-siyaasadeedkii DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan oo isaguna kulankaasi ka warbixiyay wuxuu yidhi “Aad iyo aad ayaan madaxweynaha ugu mahad naqayaa, waxaan ugu mahad naqayaa xalay ayuu casuumay sadexdii urur ee lagu dhawaaqay inay ku guulaysteen doorashadii. Markaa annagana inuu gacantii labaad noo fidiyo afartayadii urur ee lagu dhawaaqay inaanu hadhnay farxad weyn ayay ii tahay oo waxay muujinaysaa sinaansho, xaqdhawris iyo qiimayn bay intaba tahay. Madaxweynahana aad baanu ugu mahad naqnay mar labaadna waanu uga mahad naqaynaa.”

“Siday doontaba ha u dhacdo oo qofku ha yidhaahdo cidaasi waa la soo saaray ama cidaa waa la reebay, waxa weeye waxani waa xukun ILAAHAY cid aanu soo saarina ma soo baxdo. Haddii aanu ogaan lahayn in sadexdaas urur lagu dhawaaqi doono doorashooyinkii kama aanu qeyb galeen,”ayuu yidhi Ismaaciil Yare.

Guddoomiyaha DALSAN waxa uu sheegay in xiligii qiimaynta gudida diiwaan gelinta 15-kii urur lagu reebay rag qaarkood siyaasadda kaga waayo aragsanaa isaga, waxaanu tilmaamay in sidii kuwaasi ugu qanceen go’aankii ay iyaguna ugu qancayaan natiijadii doorashadda.
“Waanu soo gaadhay inaanu ka mid noqono ururaddii ku tartamayay siyaasadda, markaa annaguna siday doonto ha u dhacdee nasiibkayaga ayaa noqday inaanu hadno. Markaa waxay ahayd inaanu shuruucdii iyo wixii xeerarkii aanu saxeexnay dhawrno iyo nabad-gelyadda,”ayuu yidhi Ismaaciil Aadan.

Guddoomiyaha DALSAN waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyaba doorasho madaxtooyo lagaga helay 80 cod taasi oo uu ku qancay. Taasina ay sababtay in mar kale si aqlabiyad ah loogu soo doorto madaxtinimada dalka.

“Annaga oo aan xisbi gaadhin wax aanu ku diidno inaanu marti qaadkan madaxweynaha nimaa dno meesha ma qabato, waanu soo dhawaynay. Waxaan leeyahay nin kasta oo siyaasiya dalk eenu wuxuu u baahan yahay in la midoobo oo gacmaha la is qabsado oo nabad-gelyadda la ilaal iyo oo hadba nidaamka inoo talinaya carabkaaga iyo hadalkaaga wixii toosin ah aad ugu tilmaa nto,”ayuu yidhi Guddoomiyihii DALSAN.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaasi ka dib faahfaah iyey waxa ay ka wada hadleen Madaxwaynaha iyo labada Guddoomiye ayaa yidhi “Caawa waxa uu Madaxwaynuhu Casho sharaf u sameeyay afartii urur ee aan nasiibka doorashada ku soo bixin, waxa ixtiraamkaasi Madaxawaynaha awgeed yimid Xasan Gaadhaafi (Guddoomiyaha RAYS) iyo Ismaaciil Aaden Cismaan (Guddoomiyaha DALSAN), waxa sharaf ah in Ismaaciil iyo Xasan ay casuumada Madaxwaynaha si sharaf ah u yimaadeen, Madaxwaynuhuna wuu u mah adnaqay labadooda iyo cidda maqan iyo xisbiyadii xalay yimidba wuxuu ku waaniyey in qaranka guushiisu ay tahay nabada, in la iskaashado oo nabada laga wada shaqeeyo oo qaranimada ay nu ka wada shaqeyno ayuu Madaxwaynuhu u soo jeediyay, iyaguna aad iyo aadbay uga mahad naqeen”

Geesta kalena waxaan kulankaasi ka soo daahirin masuuliyiinta urur siyaasadeedyaddii UMMAD DA Iyo XAQSOOR.



Cumar Maxamed Faarax