Guddoomiyeyaasha Kulmiye, Ucid Iyo Wakiilada Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Argagixisada Ahaa
Guddoomiyeyaasha xisbiyada
mucaaridka ah ee Kulmiye, UCID iyo Golaha Wakiilada, ayaa caawa si
adag u cambaareeyay falkii waxashimada ahaa ee shalay lagu soo
qaaday xarunta madaxtooyada, xarunta UNDP iyo Safaaradda Wakiilka
Itoobiya ee Somaliland. Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa
to;,aa,au om duulimaadkani yahay mid lagu soo qaaday qaranimada
Somaliland, doorashadeena iyo diiwaangelinta, waxaanu shacbiga ugu
baaqay in ay isgarab taagaan xukuumadooda oo ay kala shaqeeyaan
adkaynta nabadgelyada oo ay wada noqdaan booliis. Guddoomiyuhu waxa
uu ku tilmaamey kuwa falkaasi ku kacay kuwo sheydaan duufsadey oo
aan islaam aheyn, waxaanu xasuusiyay shacbiga in aaney arrintaasi
cidna ku xumeyn dadka halkan qaxootiga ku yimid, oo ay yihiin kuwa
falkan axmaqnimada ah sameeyay kuwii iyguba ay ka soo qaxeen.
|