Guddoomiyeya Guurtida oo ku Gacansaydhay Codsi Ma daxweyne Rayaale u Qaddimay Nuxurka kulamo goonni-goonni ah oo Rayaale la yeeshay hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo shirguddoonka Guurtida

 

 
Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleeb aan Maxamuud Aadan , ayaa ku gacansaydhay codsi Madaxweyne Daahir  Rayaa le Kaahin kaga dalbaday shalay inuu soo beddelo mid ka mid ah labada xubnood ee uu soo xulay Komishanka Doorashooyinka cusub.

Madaxweyne Rayaale ayaa kulamo goonni-goonni ah qasriga madaxtooyada  geli nkii hore ee shalay kula yeeshay shirguddoonka Guurtida iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID.

Ma jiraan warar rasmi ah oo dhinayadu ka soo saareen kulamadaas, arrimaha  la ga wadahadlay iyo natiijada ka soo baxday toona. Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay  xud dun u ahaa qaddiyadda dhismaha Komishanka cusub ee Doorashooyinka  Somalil and, kadib markii Madaxweyne Rayaale ka gaws qabsaday inuu dhinaca Golaha Wakiillada isu dhaafiyo xubnaha ay soo xuleen Guurtida iyo xisbiyada mucaaradka oo uu iyaga hore ugu celiyey labadii xubnood.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan  gaa shaanka u daruuray dalab Madaxweynuhu u qaddimay oo ku saabsan inuu  bedd elo mid ka mid ah labada xubnood ee Guurtidu soo magacaabeen, kadib markii uu ku guuldarraysay inuu xubintaas oo ah suxufiga caanka ah ee Xasan Siciid Yuusuf u helo asbaab uu u cuskado qorshe uu ku damacsanaa inuu dib ugu celiyo Golaha Guurtida.

Warku waxa uu intaa ku daray in Gudoomiyaha Guurtidu u caddeeyey Md. Raya ale in aannu ka noqonayn magacaabista Xasan Siciid oo uu sheegay inuu  buuxiy ey shuruudihii looga baahnaa xubnaha Guddiga Doorashada noqonaya, sidaa dart e edna haddii uu Madaxweynuhu u hayo wax uu ku horjoogsanayo badka soo  dhi go, una gudbiyo Golaha Wakiillada oo iyagu xaq u leh qiimeynta, ansixinta amma diidmada xubnaha loo soo xulo Komishanka Qaranka.

Sida ilaha xogogaalka ah xuseen taas beddelkeeda waxa uu Md. Saleebaan  isag una dhinaciisa Madaxweyne Rayaale u gudbiyey codsi uu kaga dalbay inuu si  de gdeg ah u dhammaystiro magacaabista xubnaha ka dhiman Komishanka cusub, dhaqsana ugu gudbiyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, maadaama waqtigu isgurayo qorshihii hawlgalka Guddiga Dorashada cusub loo qoondeeyeyna  geba gebo yahay.

Dhinaca kale, waxa Md. Daahir Rayaale shalay kulan la yeeshay Guddoomiyeyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kaas oo sida la sheegay labada masuul kaga wada xaajoodeen haweenayda xisbigaas u soo xulay Komishanka oo  Madaxwe ynuhu dib u celiyey, isagoo sabab uga dhigay inay ka tirsan tahay guddiga fulinta KULMIYE,

arrintaas oo Guddoomiye Siilaanyo deedafeeyey, kuna tilmaamay mid aannu xaq u lahayn.

Inkastoo aanay labada geesood midkoodna wax war ah ka soo saarin kulankaas iyo waxyaabaha lagu falanqeeyey, haddana sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen dood dheer kadib, waxa Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku qanciyey in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu si buuxda u  aq balo xubinta xisbigiisu u wakiishay Komishanka cusub, sidoo kalena  Madaxwe ynuhu ballanqaaday inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqi doono magacyada saddexda xubnood ee u soo xulay xubnaha Guddiga Doorashada oo isku dhanna degdeg ugu gudbin doono Golaha Wakiillada si ay u ansixiyeaan, kadibna dhaqso ugu hawlgalaan.

Sidoo kale, waxa xogahaas xuseen in Madaxweyne Rayaale xisbiga kale ee  muca aradka UCID ku wargeliyey inuu aqbalay xubinta cusub ee uu soo magacaabay Komishanka Doorashooyina, uguna mahadceliyey beddelka xubintii uu hore ugu celiyey.





Source: Jamhuuriya Online