Guddoomiye Ku Xigeenkii Komishanka Doorash  ooyinka iyo Xubin Komishanka ah oo Maanta
Is Casilay

 


 

Hargeisa (LonglivesomalilandNews)-Gudoomiye ku xigeenkii Komishanka  doo rashooyinka Somaliland Cali Maxamed [Bikalo] oo ahaa labadii Xubnood ee u gu dambayay ee Guddida doorashooyinka, ayaa Maanta si rasmi ah ugu  dha waaqay in ay iska casileen xilkii iyo Xubinimadii Komishanka.

Waxaanay sheegeen inay markii horena ku tallo jireen in ay iyaguba raacaan wadadii ay mareen Afartii xubnood ee Gudoomiyaha Komishanku ku jiray ee sida wada-jirka ah ugu dhawaaqay in ay si buuxda isaga casileen guud ahaan xilalkii iyo xubinimadoodii Komishanka ee ay Ummada u hayeen.

Cali Maxamed [Bikalo] iyo Xasan Cumar Hoori ayaa ah Masuulkii iyo Xubintii ugu dambeeyey ee is-calisa. Cali Maxamed Biikalo aya isagu ah Masuulka  ka liya ee ka hadhay Afarta Kale, waxaana la naawilayey inuu is-na sidaas ay saxaabadii yeeleen in ku dhaqaaqayo, maadaama oo aanay jirin waddo kale oo u bannaan, aan ka ahayn in xilka laga qaado.

Xasan Cumar Hoori ayaa isagu dhawaan ka mid noqday Komishanka  Doora shooyinka Qaranka Somaliland ka dib markii uu geeriyooday Xasan Looshade oo hore uga mid ahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka ayaa ka koobnaa Todoba Xubnood oo kala ah: laba Xubnood oo ay soo doorteen Golaha Guurtida Somaliland, Laba Xubnood oo ay soo Magacaabeen Laba Xisbi Mucaarid, Xubin ay Soo magacaabeen Xibsiga Udub iyo Laba Xubnood oo uu Madaxwaynuhu soo Magacaabay.

Ilaa imika dhinacyadii soo magacaabi lahaa uma dhaqaaqin cidii bedeli lahayd Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Hasa ahaatee, waxa la filayaa in sida ugu dhaqsiyo badan loo soo magacaabi doono oo hawshaasi si dhaqso ah loo guddo gali doono.

Wax ka bedel lagu sameeyo Komishanka Doorashooyinka ayaa ka mid ahayd Lix Qodob oo ay si wada jir ah u Saxeexeen Seddex Xisbi Qaran kaasi oo ay keeneen Wadamada Somaliland Saaxiibka la ah si ay xal ugu noqoto Khilaaf siyaasi ah oo Dalka ka Aloosnaa.





Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Somaliland