Guddoomiye Ku xigeenka labaad oo Ku baaqay in la kala saaro Nacaybka iyo qaranimadda





London (TNN):- Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axme d ayaa ka jawaabay hadallo toddobaadyadii ugu dambeeyay ka soo yeedhayay hoggaanka xisbiga UCID, kuwaasi oo weedho ka baxsan milgaha siyaasadda ku weeraray madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sidan ka sheegay munaasibad lagu soo dhawayn ayay tageerayaal hore uga tirsanaa xisbiga WADDANI ee magaalada London oo ku soo biira y xisbiga KULMIYE , waxaanu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka inay kala saaraan qaran imadda mucaaradnimadda iyo shakhsi nacaybka.

Maxamed Kaahin Axmed oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Weedhaha qollada muca aradka iyo xukuumadu iswaydaarsanayaan tallada aanu ka bixinayno xisbiga KULMIYE waxa weeye, qolyaha mucaaradka laba waa in kala saraa qarranimadda iyo ilaalinta masaaliixda qaranimada Somaliland iyo fikirka uu qof ka qabo, ayaamo dhawayd arrimaha laga hadlayay waxay ahayd lagama hadlaynin dawlada Kulmiye, lagama hadlaynin xisbiga Kulmiye wuxuu qabtay, lagama hadlaynin dhaliil xisbiga Kulmiye ee waxay ahayd shakhsi nacayb uun.”

Guddoomiye Ku xigeenka KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Waxay ka hadlayeen rag siyaasiyiini oo dalka joogaa fikirka ay ka qabaan Axmed Siilaanyo, xisbiga Kul miye Axmed Siilaanyo ma wada aha, qaranimaduna Axmed Siilaanyo ma wada aha, Axmed Siilaanyo qarankuu ka mid yahay oo waa madaxweynaha Somaliland, nin Axmed Siilaanyo necebi yuu ku meeraysanin qaranka wax baa ka qabyo ah.”


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland