GUDDOOMIYE CIRRO OO KULAN LA QAATAY SAFIIRADA DAWLA DDA INGIRIISKA U
QAABILSAN SOMALILAND IYO SOMALIYA
Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna
hoggaamiyaha xisbiga W ADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
oo isla maanta uun gelinkii hore dalka dib ugu soo laabtay ka dib
safar qaran oo uu ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, a yaa
xarunta aqalka golaha Wakiilada Somaliland kulan kula yeeshay
safiirada dalwadda Ingiri is ka u qaabilsan dawladaha Somaliland iyo
Somaliya iyo weliba sida oo kale safiir ku xigeenka isla dawladdaas
Ingiriiska u qaabilsan dalka Itoobiya oo socdaal ay ku joogay
magaalada Hargeysa.
Kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa guddoomiye Cirro ku
wehelinaayey guddoom iye ku xigeenka 2aad ee aqalka golaha Wakiilada
Somaliland Dr.Cali Yuusuf, waxaana markii uu soo idlaaday
warbaahinta uga warbixiyey u jeedka kulankaasi guddoomiyaha golaha
Waki ilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in
kulankan ay safiirada kaga wad a hadleen xidhiidhka dawladaha
Ingiriiska iyo Somaliland, horumarka ay Somaliland ku tallaab satay
muddadii ay jirtay iyo weliba sida oo kale arrimo la xidhiidha
doorashooyinka iyo diiwaa n-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland.
“Weftigu saaka ayey yimaadeen, waxa ay la kulmayeen xukuumadda,
anaguna waanu kulan ay haddeer(maanta), waxaana aanu ka wada hadalnay
guud ahaan uun arrimaha Somaliland ka socda ee horumarka,
diiwaan-gelinta, doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo
dawla dda Ingiriiska,”Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
|