WAR-SAXAAFADEED

 


 
Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.C abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaana da, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka qaateen guumeystahii Faransiiska 27kii, Juun, 1960kii.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu boggaadinayaa horumarka ballaadhan ee ay dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti ku tallaabsadeen muddadii ay xorta ahaaye en, isaga oo tilmaamay in horumaro badan ay ka sameeyeen dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ammaanka ba, waxaana uu tibaaxay in Somaliland iyo dawladda Jabuuti


uu ka dhaxeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo isla mar ahaantaana ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amaanka , ganacsiga iyo xidhiidho diblomaasiyaddeed oo si hufan oo nabad iyo wada noolaashiyo ah u dhex mara labada dhinac.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu u rajeynayaa dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti in ay sannad ka sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, horumar iyo xasilooni.



Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland