Guddoomiyaha Xisbiga UCID Muxuu Ka Yidhi Xafladii Xisbiga KULMIYE Ee Hargeysa iyo isku-daygii Xukuumadda?
 

Hargeysa(TNN)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay isku-day Xukuumadda oo Booliska adeegsanaysaa ku qaaday inay baajiyo  muna asibad xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE koox dhalinyaro ah ugu qabtay Bariga magaalada Ha rgeysa.

Munaasibadaas oo xisbiga KULMIYE u sameeyay dhalinyarada wax ka barta Jaamacaddaha ee beesha Bariga Hargeysa iyo Galbeedka Burco, waxa ka dhashay rabshad koox sida la sheegay Xukuumaddu abaabulay ka sameeyeen xaafada New Hargeysa, kuwaasoo xidhay, Taayirona ku gubay jidka dhinaca bariga uga baxa magaalada.

Hase yeeshee, guddoomiyaha xisbiga UCID oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu  tal aabadaa Xukuumadda ku tilmaamay mid fool-xun oo aan hore nooceeda dunida looga arag. “Arrin fool-xun bay samaysay Xukuumaddu. Madaxweyne Rayaale wuxuu doonayaa in xisbigiisu uu kelidii ololeeyo, inuu kelidii lacagta umadda isticmaalo, gaadiidka dalka isticmaalo, guryihii  Ma rtida ay galaan, wuxuuna rabaa in axsaabta kalena aanay is dhaqaajin oo uu curyaamiyo. Laakiin, waxaasi wax suurtogal ah maaha, Adduunkana lama arag dawlad iyadu mudaharaada oo Axsaabta ku mudaharaada. Markaa Madaxweynahani dawladnimada habkeedii oo dhan meel buu kaga dhacay, taas baana tusaale ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu naqdiyay munaasibadaas, wuxuuna sheegay in aan loo  baah nayn in hab qabiil dhalinyarada loola shiro. “Midda kale, waa in qabyaalada ardayda iyo  Jaamac addaha iyo dadka lagu abuurayo laga daayo oo labada xisbiba joojiyaan. Ardaydu waa isku  wa da masiir, waana isku dan, in lala kala shirshiro oo qabiil lagula shirana anagu waanu ka soo  ho rjeednaa, sababtoo ah qabiilku waa ka halkaas dalkeena dhigay. Caadadaas waxaanu ku  naqaa nay inay samayso madaxda dawladda Rayaale, laakiin axsaabta Mucaaradku inay iska ilaaliyaan wadadaa xun ee ay iyagu (madaxda Xukuumaddu) jeexeen in la maro ayaan soo jeedinayaa. Markaa ficiladii ka dhacay ee qabiilka ahaa waanu cambaaraynaynaa, dhalinyarada habeenkii dhawayd lala shiray (kulankii Wasiirada iyo dhalinyarada) iyo kuwa shalay (doraad) lala  shira yna waxaanu leenahay, ‘ha iska dhex saarina dhalinyarada reer Somaliland, sababtoo ah isku dan baa tihiin, isku mustaqbal baa tihiin oo waxaad u baahan tihiin bay iyaguna u baahan yihiine, yaan qabiil la idinku beerlaxawsanin,” ayuu yidhi.



Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nidaamka doorashadu aanu ahayn sidii xilligii doorashadii golaha Wakiillada ee 2005 oo beel waliba taageeradeeda u muujinaysay xubnaha u sharaxnaa degaankooda, balse doorashada Madaxtooyadu tahay mid ay ku tartamayaan saddex  Muras hax oo u ordaya saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo UDUB. “Siyaasiyiinta Axsaabta ku jirtaa maaha inay dhalinyarada qabyaalad ku abuuraan, dhalinyaraduna waa inay xisbiyada  barnaa mijyadooda ku kala doortaan,” ayuu raaciyay.


Mar la waydiiyay sida uu arko qoraal Taliyaha Booliska Somaliland Mr. Maxamed Saqadhi Dubad ku socodsiiyay mulkiilaha hotel-ka munaasibada KULMIYE lagu qabtay, ogaysiina ku siiyay  hogg aamiyeyaasha Axsaabta siyaasadda, taasoo la xidhiidhay in aan la ogolayn in munaasibado lagu qabto hoteelada Hargeysa, waxa uu ku taliyay in aanu ciidanku luminin  dhexdhexaadnimadoo da, isla markaana ka dheeraadaan inay ku milmaan siyaasadda. “Wax ka soconayaa ma jirto (warqada Taliyuhu qoray). Waa nasiib-daro haddii Subeehi Saqadhi (subeehi waa ninka aan dirajada haysan) uu UDUB la saftay, waayo Boolisku qarankuu u dhexeeyaa, Axsaabtuu u  dhex eeyaa oo siyaasi maaha. Laakiin, haddii Saqadhi leeyahay UDUB baan ahay, way dhacaysaaye isna alaabtiisa ha iska sii urursado. Markaa Booliska kale ee la dirayo, waxaanu leenahay inta aad Axsaabta u diidaysaan inay isu-soo-bax sameeyaan, waxa ka fiicnayd inaad derajo  waydi isataan dawladda sideeda sannadood idin siin wayday, 8-sannadood mushaharka idiin kordhin wayday ee 8-sannadood dirays midaysan idin siin kari wayday. Markaa waa taas ta ay tahay inaad la xisaabtantaan, siyaasadana iska dhawra, waayo ciidamadii nabadgelyada dalkaad tihiin,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.



Wargeyska Ogaal