Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo lakulmay Wasiirka Arri maha Debadda
Kenya,Marwo Aamina Maxamed Jibriil

Nairobi (TNN) :- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahana Murashaxa Jagada
Madaxweynaha Xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan
Wasiirka arrimaha debada Somaliland iyo Safiirka Kenya u fadhiya
Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha debada Dalk a
Kenya.image
Qoraal uu kulankaas kaga hadlaayo Murashaxa Xisbiga KULMIYE uuna ku
baahiyay bogiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.
Waxa aannu maanta la qaadanay kulan diblomaasiyadeed oo muhiim ah
Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Kenya, Marwo Aamina Maxamed Jibriil.
Waxaannu ka wadahadalnay kor-u-qaadista xidhiidhka labada dal, in
xafiiska JSL ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Ken ya
meeqaamkiisa diblomaasiyadeed kor loo qaado, in dalka Kenya ku
yeesho xafiis rasmi ah caasimada JSL ee Hargeysa, si uu u fududeeyo
isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga la bada dal. Waxa kale oo
weftiga Somaliland kala hadlay Wasiirka Marwo Aamina Maxamed Jibriil
sidii dalka Kenya hormood uga noqon lahaa aqoonsiga JSL uga baahan
tahay beesha caalamka iyo gaar ahaan waddammada IGAD iyo Midowga
Africa, maadaama Kenya tahay dal miisaan badan ku dhex leh ururradaa
dhexdooda.
Waxa kale oo weftigu ka codsaday dawladda Kenya inay ardayda
Somaliland siiso deeqo waxbarasho oo qayb ka noqda dhismaha
mustaqbalka dhallinyarada JSL. Sidoo kale, waxa labada dhinac isla
eegeen sidii labada dal isku dhaafsan lahaayeen waayo-aragnimada iyo
khibradda maamul ee dhinacyada ganacsiga, nidaamka bangiyada ee
caalamiga ah si loo fududeeyo maalgashiga iyo ganacsiga shisheeye,
kordhinta wax-soo-saarka beeraha IWM.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya waxay noo ballanqaaday inay wefti
meeqaam sare leh u soo dirto caasimada Somaliland ee Hargeysa si ay
uga qaybgalaan xuska sannad-guura da 25-aad ee maalinta Qaranimada
Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016. Dhammaan qodobadii laga
wadahadlay si buuxda ayaa la iskugu af-gartay. Waxaan halkan uga
mahad celinayaa Wasiir Aamina Maxamed Jibriil oo si mug leh noo
qaabishay, dhammaan qodobadii weftiga JSL kala hadlayna si qurux
badan noola qaadatay.”
|