Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Hambalyo U Diray Maayirka Cusub Ee Hargeysa Iyo Ku Xigeenkiisa
 

 


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye.............

Hargeysa (TNN)- Gudoomiyaha Xisbiga Tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ma anta ayaa hambalyo u diray Maayarada iyo Ku xigeenada Magaalooyinka Hargaysa iyo Ceerig aabo ee sida sharciga ah maanta loo doortay,waxaa kale oo uu Mahadnaq kan la mid ah u dir ay Guud ahaan Golayaasha Deegaanka ee sida Sharciga ah isu doortay.

Muuse Biixi oo maanta u waramayay warbaahinta qaranka, waxa uu xusay in tabasho kasta oo ka dhalata doorashadii golayaasha deegaanku ay haboon tahay sidii loogu dhamayn lahaa hanaanka is qancinta iyo wada hadalka ay Somaliland ku soo caano maashay. Waxa kale oo uu sheegay inaan la dhaawicin doorashadii sida wanaagsan uga qabsoontay Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mar uu ka hadlayay Golayaasha Deegaanka ee doortay hogaa nkoodii waxa uu sheegay inuu Gole kastaaba xaq u leeyahay inay iska dhex doortaan cida hog aaminaysa, hasa ahaate waxa uu xusay in loo baahan yahay inay raacaan Xeerka doorashad a golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in meesha keliya ee uu hadal ka taagan yahay ay ta hay degmada Saylac oo uu tilmaamay sidii is af-garad looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhash ay doorashadaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay Codadkii doorashadii Golayaasha Deegaanka waxa uu ku dood ay inay arrintaasi tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo intaas ku daray in hadii cid lagaga Shu btay ay aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye lagaga Shubtay Codad uu lahaa.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland