Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray dheladii uu ka baxay marxuum Axmed Xasan Cali Gaas,oo London ku geeriyooday

 


Hargeysa (TNN) :-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMI YE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tac si tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka geerida ku timid M arxuum Axmed Xasan Cali Gaas oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriis ka maanta oo taariikhdu tahay 23/05/2016.

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyaydaynayaan La-ta liyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas oo uu walaalkii ahaa Marxuumku.


Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka wa raabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE