Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay 40-Guuradii Ka Soo Wareegtay Maalintii Madoobayd Ee Kalidii Taliye Siyaad Barre Uu Inqilaabka Milatari Ku Qabsaday Xukunkii Somalia Oo Maanta Ku Beegan

 


Somaliland Waa Qaran Jira, Maamuladda Somalia-Na Waxaan Uga Digeynaa In Dhibaato Ay Ku Soo Kordhiyaan Mandaqadda, Golaha Wakiiladuna Xilkooda Si  D hakhso Ah Ha Uga GutaanGuddoomiye Axmed Siillaanyo



Hargeysa (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed  Ma xamed Maxamuud Siillaanyo ayaa sheegay afartan guurada ka soo wareegtay markii uu kalidii taliyihii Siyaad Barre xukunka milatari kula wareegay Talada Somalia 21-kii October 1969 oo ku beegan maanta, ku tilmaamay inay ahayd ta sababta u ahayd burburkii dalkii la odhan jiray Somalia, isagoo intaa ku daray digniin uu uga jeediyey maamulada Somalia ka dhisan wakhtigan xaadirka ah in wax colaad ah ay ku soo kordhiyaan Somaliland iyo Somalia, tilmaamayna in  qar animada Somaliland ay tahay qaranimo jirta jirina doonta, shacbiga reer  Somal iland ee walaalaha ahina ay ku midaysan yihiin wadajirkooda, islamarkaana ay ku wada nool yihiin nabadgelyo, xasilooni iyo haykal dawladeed oo midaysan, isagoo dalka dariska ah ee Somalia-na Ilaahay uga rajeeyay inuu ka joojiyo  cola a daha ka aloosan halkaas, si rasmiyana u sheegay inay mustaqbalka Somaliland iyo Somalila ay noqon doonaan laba dal oo xidhiidh darisnimo ku wada noolaada.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi noogu sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka xog-waraysi kula  yeel anay, kaas oo uu sidoo kale golaha wakiilada ugu baaqay inay dadajiyaan  waaji baadka xil gudashada ee ka saaran ansixinta xubnaha komishanka  doorasho oyinka ee la soo magacaabay ee wakhtigan xaadirka ah hor yaala, sidii ay u meelmarin lahaayeen sharciyaynta xilalka komishan ee loo soo magacaabay.

Waraysigaas oo dhamaystirana waxa uu u dhacay sidan:

S. Gudoomiye sideed u aragtaa afartan guurada ka soo wareegtay xilligii Siyaad Barre xunka milatari ku qabsaday Somalia 21 October 1969, oo ku beegan  maa nta afartan guuradii ka soo wareegtay maalintaasi madoobayd,taas Maxamed Cali Samatar iyo Axmed Sleebaan Dafle oo ka mid ahaa rajiimkiisii ay laanta  afso omaaliga VOA, ay shalay ka sheegeen inuu siyaad Barre wax badan u qabtay Somalia oo aanu beelaha Soomaaliyeed qaarkood wax dhibaato ah u gaysan, ma xaad ka xasuusataa?

J. Horta anigu maan dhegaysan Idaacada galabta waxaanse kuu sheegayaa  x illigaa inqlaabku dhacay dad badan bay u muuqatay xaaladihii jaahwareerka  ah aa iyo mushkiladihii soo baxay taariikhdaana cadaysay inay ka badnayd  dhibaa tadu geystay wixii uu xalinayay, inkastoo afSomaaligu ahaa waxa ugu weyn ee hirgeliyey hadana dalkii Somali Republic la odhan jiray burburka iyo baa’ba  maa nta haysta dadkaa masaakiinta ah ee Soomaaliyeed maamulkiisii ayaa sabab u ahaa, marka la isku wada geeyana maalintaa madow iyo maamulkaasi toona  la ma mahadin.

S. Golaha wakiiladu waxa loo gudbiyey wakhtigan xaadirka ah todobadii xubnood ee komishanka doorashooyinka u so kala magacawdeen saddexda xubnood ee uu madaxweyne Rayaale uu soo magacaabay, adigu sideed u aragtaa, qiimaynt a shaqsiyadooduse siday kuugu muuqata maadaama xubintiinii hore ee aad soo bedesheen hore la idiinku soo celiyey?

J. Anaga xilkayagii magacaabista komishanka wuu naga dhamaaday golaha  wak iilada ayaanu xil ka saaran yahay hada inay waajibaadkoda ka gutaan, xubnaha hore loo bedelay iyo kuwa la hor geeyayna, dareen isku mida lagama wada qabo waxaanse jecelahay in xilkooda loo daayo golaha wakiilada, balse waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa in wakiiladu sida ugu dhakhsaha badan ay  waajibaa dkooda uga gutaan xubnaha komishanka doorashooyinka ee Cusub.

S. waxa jira kooxo shaqsiyaad ah oo ka soo jeeda deegaanada Sool, bariga  San aag iyo Buuhoodle oo dhawaan shir ay ku yeesheen Nairobi ka so saaray  go’aa mo ay ku soo jeediyeen, in Somaliland ay kaga xorayn doonaan ciidamadeeda deegaanadaasi ku sugan, iyagoo sheegay inay kaashan doonaan ciidamada  ma amulka Shheekh shariif iyo kuwa Puntland iyagoo intaa ku daray in beelahoodu aanay ahayn Somaliland, balse ay yihiin dad doonaya midnimada Soomaaliyeed, arrimahaasi sideed u aragtaa.

J. Shacbi weynaha reer Somaliland waa dad walaalo ah oo dhaqan iyo  dhalash aba ka dhaxayso, waa dad dhibaato kasta oo soo kala gaadhay oo ku soo  dhac day-ba isku soo noqday oo nabadgelyo kuwada nool khilaaf siyaasiya iyo  tabas ho kastaaba ha jirtee laakiinse nabadgelyo guud ayaa taala oo wadajir  umma deed oo qaran ayaa jira, oo maanta qabaa’ilo shiraya Somaliland maaha waanay ka gudubtay waxaanan aaminsanahay in wadajirkaa qaran ee Somaliland  shacb igiisu sii jiri doono, waxaanuse dalka Somalia ee dariska ah ee dhibaatada  colaa deed haysto wax dhibaato ah oo aanu la doonayna ma jito, iyagana Ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu Alle ka dulqaado dhibaatda iyo colaadaha haysta mustaqbalkana waxaanu jecelahay inaanu jaarnimo wanaagsan kuwada  noolaa no, Somalilandna waa dal midaysan oo wadjir shacab yaalo, oo qaran tashaday ah, cid colaad la abuuro ay dani ugu jirtaana ma jirto, waxaanuse aaminsanahay oo aanu soo jeedinaynaa inaan mandaqada iyo gobolka aan wax dhibaato ah lagu soo kordhin



Source:Haatuf