Anigoo ku hadlaya xilkayga Guddoomiyaha, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo gu ud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qo yska, qaraabada, ehelada, bahda fannaaniinta iyo guud ahaan shacabka reer Somal iland ee uu ka baxay Fannaan Marxuun Maxamed Axmed Kuluc oo maanta oo taariik hdu tahay 17/01/2015 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Marxuum Maxamed Axmed Kuluc wuxuu door wayn oo aan la qiyaasi karin ka soo qa atay horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaannan Marxuumka Ilaahay u ga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo ii maan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.



ALLAH MAHAD LEH

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi