GUDDOOMIYAHA
WAKIILADDA MUDANE CABDIRAXMAAN CIRRO OO
BIXIYEY WAREYSI DHINACYO BADAN TAABANAYA

Shabakadda wararka ee Ramaasnews iyo Telefishanka caanka ah ee
Raadtv International ayaa waxa ay wareysi dhinacyo fara badan
taabanaya kula yeesheen Magaalada Oslo Guddoomiyaha Golaha
Wakiiladda JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Oo isaga iyo
Guddoomiye-KU-Xigeenka Golaha Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale
booqasho hawleed ku soo gaadheen. Haddaba, wareysigaa oo
guddoomiyuhu arimo fara badan kaga hadlayo wuxu u dhacay sidan:-
S/: Guddoomiye waxad marka hore nooga warantaa socdaalkan adiga iyo
guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiiladu aad ku timaadeen dalka
Norway waxa uu ku saabsan yahay?
J/: Safarkayagu waxa uu ka dambeeyey martiqaad rasmi ah oo aanu ka
helay dhawr meelood oo ay ka mid ahayd dalka Jarmalka
Baarlamaankiisa iyo qolooyin Norweejiyan ah iyo marti qaad kale oo
aanu ka helay dalka Swiden. Markaa balantaa aanu ku leenahay
Jarmalka oo 18 sept. ah ka hor ayaanu balamo kala gaag-gaar ah ku
leenahay wadanka Norway oo aan marti qaad ka helay iyo wadanka
Swiden oo aanu isna marti qaad ka helnay. Markaa safarkayagu
saddexdaa wadan ayaanu ugu soo ambabaxnay hawlo iyo casuumado aanu
ka helay. Sidaa daraadeed waxa aanu fursad u helay maanta maadaama
ay dhamaadkii usbuuca ahayd in aanu la kulano Jaaliyadda reer
Somaliland ee Oslo degan, Magaalo kale oo Stevanger la yidhaahna
waxa laga yaabaa in aanu tagno ilaa beri.
S/: Magaalada Stavanger iyada ma shir baad kaga qeyb gelaysaan?
J/: Haa waxa aanu kaga qeyb gelaynaa shir-hawleed(workshop) iyo
shirar labaduba maalin iyo badh meelahaa soconaya.
S/: Madaxda dalku wadankan Norway socod badan bay ku timaadaan.
Haddii ay noqoto xagga Dawladda iyo haddii ay noqoto xagga
Mucaaradka iyo Golihiinan Baarlamankuba. Kolkaa dawladan Norway
wadamada kale eeYurub miyey inooga dhaga nugushahay?
J/: Runtii Norway waxad moodaa dalalka ugu horeeya ee aad moodo in
isu-socodka ama xidhiidhka labada wadan ka dhexeeyaa in uu soo
kordhayo ayey ka mid tahay. Sidaa aad sheegaysayna way jirtaa
Madaxweynuhu wuu yimi, Wasiiro way yimaadeen Baarlamanku hore ayuu u
yimi annaguna waa annakaa imika socona iyaguna waa yimaadaan. Markaa
dalalka ugu xidhiidhka roon JSL ayey Norway ka mid tahay.
S/: Dalka Norway inaga oo weli arimihiisii ku sii jirna Norway meelo
badan oo ay daneynaysa ayaa jira. Waxa ugu horeeya qodida shidaalka
oo imika Shirkad Norweji ah ay Xukuumadda Somaliland la soo gashay
heshiis. Shirkadaa oo la yidhaahdo Asante Oil. Ka Baarlamaan ahaan
dhawaaq dheer buu ka dhigay xafiiskiina kheyraadka dabiiciga ah
Xildhibaanka horjoogaha u ah xafiiskaa qoraal buu dhawaan jaraaŽidka
ku qorey kaas oo uu kaga soo horjeeday heshiiskaa. Markaa ka
baarlamaan ahaan heshiisyada xukuumadu galeyso qeylo dheer baad ka
dhigeen. Xaggee ayey wax si ka yihiin, maadaama aan caawa fursad u
helay adiga oo ah Madaxdii ugu sareysay ee arintani khuseysay?
J/: Qaabka ay u shaqeynayaan Xukuumadda ama Golayaasha Baarlamaanku
sideedaba waxa qeexaya xeer ama waxa qeexaya Dastuurka. Xukuumaddu
iyadaa qaran ahaan loo xil saaray ama u xilsaaran wixii maamul ah.
Heshiisna way la geli kartaa Shirkad ama Dawlad.
Laakiin wuxu kale oo dastuurku tilmaamayaa heshiiskaa ay la gashay
Xukuumadu Shirkad ama HayŽad ama Dawlad kaleba in la keeno
baarlamaanka si loogu sameeyo ansixin ama sharciyeyn. Waana qodob
dastuuri ah. Arintaa Xukuumadda iyo Baarlamaanku inkasta oo
Baarlamanku iska daŽa yar yahay way ka wada hadleen. Dhawaaqaa ay
muujiyeen guddida ama xubno ka mid ahiba waa arin taagan. Annaga iyo
Xukuumadduna waanu ka wada hadalnay arintaas in aanu meel isla
dhigno iyo qaabkii lagu hor keeni lahaa Baarlamanka wixii heshiisyo
ah ee Xukuumadu gasho.
S/: Golahan Wakiilada ee aad Guddoomiyaha u tahay xeerar badan baa
horyaal oo u baahan in hore loo socodsiiyo, baahi badana dalku u
qabo. Tusaale ahaan qoladan xukuumaddu marka ay ka hadlayaan
xeerarka Maal-gashiga Shisheeyaha, ka Batroolka iyo qodida macdanta
dalka. Weli Baarlamanki wax Xeer ah oo uu ka soo saaray ma jiro.
Xeerar kale oo uu nidaamkii dawliga ahaa u curyaansan yahay ayaa
idin horyaala. Maxaad ka leedahay ee hortaagan xeerarkaa
ansaxintooda?
J/: Baarlamanku Xeerar badan wuu ansixiyey. Haddey tahay kii
Gobolada iyo Degmooyinka, hadduu yahay ka dhulka. Way jiraan qaar
qabyo ah oo baarlamanka horyaala, waxaanay ku jiraan dariiqii
caadiga ahaa ee ay soo mari jireen oo uu ka mid yahay Xeerka
Macdantu oo markii ugu horeysay sababtu dib ugu dhacay ay ahayd
isaga oo Af-Ingiriisi ku qoran in la keenay. Dastuurkuna wuxu
leeyahay waa inuu Af-Soomaali ku qoraadaa. Markaa dib baa loo soo
turjumay, waxaanan qabaa Xeerkaa Macdanta oo imika ah Xeer
Golayaasha hor yaala iyo kuwo kale oo qabyo ahi way jiraan oo Xeerka
Isgaadhsiintu ka mid yahay oo isaga laftiisu Ingiriisi ku qoraa,
dibna ugu dhacay si loogu soo turjumo Af-Soomaali. Laakiin ilaa 14
xeer goluhu wuu ansixiyey. Waxa aanay noqdeen xeerar ka mid ah
xeerarka dalka.
S/: Diiwaangelinta waxa la bilaabayaa bishan soo socota ee Oktoobar.
Dadkeenuna inta badan waa reer guuraa xoolo dhaqato ah. Dadkaas waxa
xukuma daaqa oo kolba halkii daaq iyo biyo leh ayey degaan, haddii
ay noqoto Gudaha iyo haddii ay noqoto Gobolkan Soomaalida ee
Itoobiyaba. Maxaa ugu talo gasheen si diiwaan gelintu u wada gaadho.
Maadaama wakhtigi kooban yahay, sidee bay u suurta gelaysaa, sidii
dadkaa maqan ee dalka u dhashay uga geli lahaayeen Diiwaan-gelinta?
J/: Horta xeer baa la sameeyey ku saabsan diiwaan-gelinta oo Goluhu
ansixiyey, Madaxweynuhuna saxeexay. Diiwaan-gelinta waxa lagu
maamulayaa xeerkaas xeerka diiwaan-gelinta la yidhaahdo. Qof kasta
oo qaan-gaadh ah oo reer Somaliland ah oo 16 jir iyo wixii ka weyn
daŽdiisu tahay wuxu xaq u leeyahay inu isagu doorto in uu is
diiwaan-geliyo iyo in aanu is diiwaan-gelin. Fursada waa la
siinayaa, laakiin qof lagu khasbayo inu is diiwaan-geliyo horta ma
jirto. Dadka reer Somaliland mudadaa diiwaan-gelintu socoto waa
bishaa tobnaad ilaa bisha koowaad ee sanadka soo socda. waxaana
fursad loo siiyey inay is diiwaan-geliyaan. Diiwaan-gelintuna
dhamaan gobolada iyo degmooyinka iyo meelihii hore ee doorashada
lagu qabtay ama sanduuq doorasho yaalayba waa la geynayaa. Waxaana
qofka la siinayaa fursadaa ah inuu is diiwaan-geliyo, waxaanan
rajeynaynaa dadka reer baadiyaha ah ee had iyo jeer labada dhinac
uga talaaba Xuduudkeena iyo ka Itoobiyaba in muddadaa u dhaxeysa
bisha tobnaad iyo bisha koowaad ay haystaan fursad ay isku
diiwaan-geliyaan. Waxa kale oo suurta-gal ah maalmaha ugu dambeysa
doorashada ka hor in muwaadiniinta la siiyo fursad kama dambeysa oo
ay isku diiwaan-geliyaan.
S/: Gobolada Bariga waxa lagu isticmaalaa lacagtii dawladdii hore.
Xukuumaddu muddo dheer bay laheyd waa laga bedelayaa lacagta
goboladaa. Ilaa iyo haddana wax ka suurta-galay ma jirto. Kolkaa, ka
baarlaman ahaan idinku qeyb ma ka qaadateen sidii dadkaa culeyska
iyo dhaqaale bur-burka saaran looga dul-qaadi lahaa? Wax dhawaaq ah
se ma ka geysateen?
J/: Haa, Golaha waa lagaga dooday in lacagta laga bedelo gobolada
bari, een miisaaniyaddii ugu dambeysayna waanu ansixinay. Lacagtii
lagaga bedeli lahaa goboladaas. Arintaa fulinteeda waxa u xil saaran
xukuumadda, waxaaanan rajeynaynaa inkastoo sanadkiba dhamaanayo, in
inta ka hadhay sanadka ay suurto-gasho in laga bedelo.
S/: Golahan baarlamanka ee aad guddoomiyaha u tahay waxa laga soo
doortay xisbiyo Waxyaabaha la idinku dhaliilo waxa ka mid ah markii
ay golihii yimaadeen, waxa ay ka hormariyeen dantii ummadda ee loo
soo doortay danta xisbiga ay ka soo jeedaan oo kooxeysi xisbinimo
iyo xafiiltan ayaa curyaamiyey waxqabadkii golaha. Maxaad ka
leeedahay arintaa?
J/: Horta waa mid oo midi waa jirtaayoo, dee goluhu wuxu ku yimi
xisbiyo. Waxaana waajib ahayd inay xisbiyo ku yimaadaan. Maadaama
aynu ku jirno nidaamka xisbiyadda badan, laakiin waxa kale oo jirta
anigu ma qabo goluhu sidu uga soo baxay xisbiyadda, xisbi is-wada
raacsani inu jiro. Laakiin marka laga doodayo arin ama doodi ka
socoto golaha, waxan qabaa mararka qaadkoodna xildhibaanku waxa
xisbigiisu waafaqsan yahay wuu ku raacaa haddii uu u arko inay sax
tahay. Mar-marka qaar haddii aanu sax u arkeyna wuu ka soo
horjeestaa. Duruufo kale oo uu kaga leexan karaana waa iska jiraan.
Laakiin waxaan qabaa maadaama uu yahay baarlamankii ugu horeeyey,
maadaama dadka badankoodu ay tahay markii ugu horeysay ee ay
baarlaman noqdaan. Waayo-aragnimo badani inay ka dhineyd. Waxaanad
moodaa hadda in ay isla soo jaan-qaadayaan. Sidaan qabo, waayo inta
badan hadda in la isla jaan-qaadayey u eeg tahay oo wixii ay u
arkaan dan guud ay ku dhawaadaan intooda badani inay waafaqaan ama
ka wada shaqeeyaan. Baaralamankuna dadkuun buu la mid yahay. Khilaaf
wuu ku kala dhex jiri karaa, aragtiyey ku kala duwanaan karaan.
Laakiin, waxaan qabaa in intooda badani wada socoto imika.
S/: Ugu dambeyn, waxa jiray khilaaf dhoofka xoolaha ah oo
ganacsadaha Sucuudiga ah(Al-jaabiri) iyo ganacsatada wadaniga ah ka
dhex jiray, isla markaana baarlamanku soo dhex-galay kana dooday,
dhageystayna garnaqsiga wakiilada Al-jaabiri iyo ganacsatadii
kooto-diidka ahayd. Maxaa natiijo ah oo ka soo baxay arinkaa?
J/: Arintaas fadhigii hore markii aanu yeelanay baarlamanku wuxu soo
jeediyey in arintaa laga hadlo. Dood baa laga furay. goŽaanaa laga
soo saaray. GoŽaanadaa waxa ka mid ahaa in loo yeedho ciddii
arintani ay khusayso. Haddii ay tahay xukuumadda, haddii ay tahay
ganacsatadii cabaneysay iyo haddii ay tahay ganacsatadii la lahaa
waxbaa la siiyey oo meel baa loo xidhay. Doodi markii ay dhamaatay
waxa loo xil-saaray guddi. Guddidaas waajibaadka la siiyey waxa ka
mid ahaa in la soo ururiyo wixii dood ah ee ka dhacay golaha iyo in
ay talooyin ka soo jeediyaan arinkaas. Hase yeeshee markii aanu
magacownay guddidi wuxu ku beegmay kalfadhigii oo xidhmay. Kolkaa
waxaanu rajeynaynaa soo ururintoodii iyo talo soo jeedintoodiiba in
ay noo soo gudbiyaan marka goluhu furmo.
Wareysigii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu intaas ayuu ku dhan yahay.
Waxaana qaaday wareysigan Cabdirisaaq Cismaan Fadal Oslo, Norway.
|