Guddoomiyaha Wakiilada oo Shaaca ka Qaaday inay Mudanayaasha u Taalo Jawaabta ay ka Bixiniyaan Go’aankii Golaha ee Rayaale Iska Dhego Mariyey

 

 
Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii u horaysay  caddeey ey in mawqifkii ay ka qaateen xaaladda siyaasadeed ee dalku ahaa go’aan gole oo sharci ah ayna waajib tahay in madaxweynaha Komishanka doorashooyinku ku dhaqmaan.

Guddoomiyaha oo shalay u waramay telefishanka madaxa bannaan ee HCTV, waxa uu sheegay go’aankaasi ahaa mid gole, isla markaana jawaabta laga bixinayo diidamada ka timi madaxweyne Rayaale tahay mid u taala muddanayaasha Gole weynaha Wakiilada Somaliland.

“Horta, go’aankaasi waxa uu ahaa go’aan gole, isaga oo aan gaadhin  madaxwe ynaha ayuu wasiirul-dawlaha arrimaha Guduhu ka jawaabay, madaxweynuhuna afkiisa kagamuu jawaabin, laakiin wasiirul-dawlaha ayaa sheegay inuu afkii   mad ax weynaha ku hadlayo oo uu kaga wakiil yahay, maadaama go’aankaasi mid  go le ahaana gole waynaha ayay u taalaa Jawaabta uu ka bixinayo diidmada  madax weyne Rayaale ee go’aankii golaha, go’aankaasina muu ahayn mid aan anigu  le eyahay, mudane kalena leeyahay ee waxa uu ahaa mid ka soo baxay gole  wa yne, iyaga ayayna u taala jawaabta ay bixinayaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha wakiiladu.

Guddoomiyaha oo la waydiiyey jawaabta ay arrintaa gole ahaan ka bixin  doona an inay noqon karto maamuus ka xayuubin lagu sameeyo madaxweynaha, waa uu ka gaabsaday inuu arrintaa jawaab cad ka bixiyo, isaga oo sheegay in  arrint aasi tahay mid u taala mudanayaasha golaha wakiilada

 



Source: Jamhuuriya Online