Guddoomiyaha Tog-wajaale oo ka hadlay Rab sha do ka dhacay Magaaladda iyo hakad ku Yimi isu-socodkii gaadiidka Somalilanda Iyo Itoobiya

 

Guddoomiyaha Degmada Tog-wajaale Md. Cumar Aadan Qasaali, ayaa markii ugu horreysey ka warramay rabshadihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Tog-wajaale oo ka bilaabmay gaadhi ciidammada boolisku dib ugu celiyeen gudaha dalka Itoobiya oo sababay gadood shacbi oo hakad geliyey gaadiidkii u gala-go oshi jirey labada dal muddo laba habeen ah.


Md. Cumar Aadan oo xog-waraysi dhinacyo kala duwan ah siiyey warbaahinta, ayaa ugu ka hadley saamayntii mudaharaadkaasi ku yeeshay xuduudka oo uu sheegay in uu muddo 48 saacadood ah ka xidhnaa dhinaca Itoobiya,  haseye eshee iminka ku soo noqdey caadi.


“Arrinka joojinta gaadiidka ee xuduuda labada dal waxay ahayd mid ku kooban dhinaca Itoobiya oo muddo 48 saacadood ah ku koobneyd isu-socodka gaadiidka yar yar, kadib markii warbaahintu baahisey mudaharaadkaas. Haseyeeshee isu-socodkii ale ee labada dal wax dhibaati ah kumay keenin oo waa mid caadiya,” ayuu yidhi Cumar Aadan.


Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey xaallada ey sumaysan oo dhawaan nahan dhibaato ku hayey degmadda, waxa uu yidhi; “Xaaladda dhibaatada eydu waa mid muddo soo noqnoqotey, waxaanna uu xannuunku ku dhacayaa marka midi wax qaniinayo, waxa jira 25 qof oo uu qaniiney. Laba jeer ayaa la sumeeyey oo qaarkood way ku dhinteen, qaarna kumay dhiman, dhibaatadu waxay ka jirtaa suntii lagu summayn lahaa oo la waayey.


Guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyey mushkiladii ka dhacday gudaha Tog-wajaale ee gaadhiga mudaharaadku ka dhacay oo shacbigu si weyn uga gadoodeen, kadib markii isku qabsadeen saraakiisha kastamka Tog-wajaale iyo Taliyaha Booliska, waxa uu yidhi “Arrintaasi mid aan hore u dhicin ayey ahayd, warbaahintuna aadbay u buun-buunisey, wax khasaare ahi kama dhicin, fikirka dadweynuhu wuxuu ku xidhiidhsanaa ismaan-dhaaf ka dhex-dhashay Taliyaha Booliska iyo Maamulka Kastamka, immikana way dhammaatay.”


Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka warramay inay wadaan qorshayaal kaga hawlgelayaan adeegga maamulka, isagoo mushkilladaha ugu ballaadhan ee Tog-wajaale ku tilmaamay adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo wadooyinka oo uu sheegay inay aad u liitaan.


Dhinaca kale, isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Gabiley Dr. Xasan Isaaq, ayaa ka warramy riiqda abaarta daba dheeraatay ku yeelatay xoolaha oo la soo derseen tamar-darro xoolaha ku timi iyo suqa iibka oo aa u liita





Jamhuuriya Online