Guddoomiyaha Ololaha Doorashada UDUB Oo Ax med Siilaanyo Ku Eedeeyay Inuu Kaambeyn Ka Dhigtay Argagixisada Al-Shabaab

 

“Odeyga Siilaanyo Waa Hasha Geela Cuntee Cabaada, Inuu Doorasho Galena Diyaar Uma Aha, Beryahan Dambena Odeyga Hadaladiisu Way Is Masaxayaan”
Cismaan Hindi

Hargeysa, December 10, 2009-(Timacade News)- Guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga talada haya ee UDUB, Cismaan C/laahi Cigaal “Cismaan Hindi”, ayaa  guddoo miyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo, si weyn ugu eedeeyay in uu kaambeyn  siyaa sadeed ka dhigtay hadalo hore uu ugu jeediyay xisbigooda kuna tilmaamay in kiiskaasi uu maxkamadda ku jiro, isagoo intaa ku daray in hogaanka Kulmiye aanu weligii meel fagaare ah ka cambaareyn ururka Al-Shabaab.

Guddoomiye Cismaan Hindi oo xalay wargeyska Haatuf nagu soo booqday isla  markaa na jawaab ka bixiyay hadalo uu guddoomiyaha Kulmiye doraad kaga soo qaaday xaflad Kulmiye u qabtay dadweyne ku soo biiray, ayaa isaga oo Cismaan Hindi ka hadlaya arrinkaasi waxa uu yidhi “ horta odeyga guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo, waa hasha geela cunta ee hadana cabaada waxad moodaa in uu olole siyaasadeed ka  dhig tay markuu fagaarayaasha ka hadlayo argagixisada, iguna soo qaaday aniga, Axmed Siilaanyo hore caado ugumay ahayn loogamana heynin fagaarayaasha uu hadalada ka jeediyo inuu ku dhaleeceeyo ururka Al Shabaab, waa ilaahay mahadii hadduu maanta ogaaday in Al Shabab uu yahay cadowga Somalialnd waxase isweydiin leh ma maantuu ogaaday Al Shabaab inay cadowga Somaliland tahay, waxaanse leeyahay falaadhi  gil gilasho kaagama go’do, waxba qiiqa ha isku qarin haddii arrinkaasi maxkamadda aad u gudbisay waxba shacabka ha ku beer laxawsan ee sug baan ku leeyahay inta  maxkam addu natiijo ka soo saarto, beryahan dambena odeyga hadaladiisu way is  masaxa yaa n, wuxu dhowaan sheegay in aanay dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti arrimaha  Somalila nd aanay soo faro gelinin hadana hadalkiisii shalay wuxu ku yidhi, waxanu doonaynaa Jabuuti iyo Itoobiya in aanu xidhiidh la yeelano, miyuu ilowsan yahay xidhiidhka hadda ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, miyaanuse ogeyn in Itoobiya ay safaarad rasmi ah ku leedahay dalkeena, waxanse u arkaa inuu Siilaanyo uu hoos yimaado idaacadda Horyaal iyo website-ka Somaliland.org ee had iyo jeer laga fadeexadeeyo Itoobiya iyo Jabuuti oo ah saaxiibada Somaliland, waxanse leeyahay Somaliland uma baahna cadow ee waxay u baahan tahay saaxiibo ay kasbato, in uu ereyadaasi laaxinku ku jiro uu fagaarayaasha ka jeediyana ma haboona”.

Cismaan Hindi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Haddii aan ka daacad tahay arrinta aad maxkamada u gudbisay wakhtigeeda hay’adaha sharciga ah ee uu qaabil ana ku kalsoonoow ee waxba fagaarayaasha siyaasada ummada reer  Somalil and waxaan jirin oo ah qaranimadii reer Somaliland baa la dhaawacay waxba ha ku o oyin, qaranimada reer Somaliland waxa dhaawacaya ee cadowga kowaada waxa wee ye ninka ama siyaasada ka soo horjeeda qaranmada Somaliland oo hadh iyo habeen guda iyo dibadba oo aydaan qarsan inaad leedihiin Somaliland lama aqoonsanayo inta xukuumada maanta joogtaa ay joogto uu madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo  Axm ed Yuusuf Yaasiin ay joogaan wax kaalmooyna lama siinayo waxa weeyi taasi waa markhaati ma doon.waxa ugu weyn muddadii ay jirtay Somaliland qaranimadeedu  wa xa geed sare iyo geed hooseba aynu u fuulay oo dadaalka ugu badan aynu muujnay sidii ictiraaf aduunyada aynu uga heli lahayn ooay inagaga xidhan yihiin waxa aad iyo aad u faro badan oo aan la soo koobo karayn,waxa hadaba cadowga Somaliland ah oo qaranimada Somaliland dhaawacaya qolooyinka aduunweynaha khalkhalinaya ee been ka sheegaya waxa Somaliland u qabsomay iyo waxa ka jira haday tahay nabad  galy ada iyo haday tahay horumarka ay Somaliland maanta gaadhay ee aduunkuna ku amaanay ee ay ka mid yihiin doorashooyinkii is daba jooga ahaa ee u dhacay sida xaalaasha ah”.

S: xubnaha aad sheegtay in loo tuhunsan yahay gacan saarka ururka Al Shabaab ee Kulmiye ku jira, magacyadooda ma noo sheegi kartaa?

J : wixii warsaxaafadeedka aan ku sheegay oo dhan anigaa rumeysan, arrimahaasi cadeyntoodana maxkamadda ayaan ka hor cadeyn doonaa, aniguse sida Siilaanyo kiis maxkamadda ku jira kaga hor dhici maayo.

S : Maxaa kugu kalifay in ilaa heerkaasi aad ururka Al Shabaab aad ku soo qaado saaxada siyaasadda?

J : arrinkaasi hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh ayaan u bandhigi doonaa kiiska maxkamadda ku jirana ka hadalkiisu waa mamnuuc.

S : maadaama arrintan aad ku heysato guddoomiyaha Kulmiye aad adigu hore uga  dh awaajisay maxaad uga gubaneysaa haddii uu umadda uga waramo?

J : mar haddii uu kiiskaasi maxkamadda u gudbiyay iyagay nusqaan ku tahay ku sii  mi yir beelku.

S : Axmed Siilaanyo muu diidin xidhiidhka Itoobiya iyo Jabuuti wuxuse ku taliyay in aan qolana kuwa kale aanay faro gelin ku yeelan, taasi ma qalad baa?

J :Somaliland waa qaran jira, cid faro gelin kartaana ma jirto, maxaase isaga uga  sanq adhay ee uu ka shakiyay Itoobiya oo wakhtigan aynu leenahay xidhiidh saaxiibtinimo oo weyn isla markaana Safaarad keentay oo cilaaqaad qadiimi ahina inaga dhexeeyo, markaa garan maayo waxa ka keenay faro gelinta, in uu fagaarayaasha arrimahaa ka sheegana ma fiicna.

S : ma la odhan karaa taageerayaasha naaneys ay kugu xantaan oo ah cismaan  Faq ash iyo guul wade, arrintaaas darteed ayaad wakhigan xaadirka ah aad uga gubanaysaa, sideedse u aragtaa kelmadda faqash ee ay kugu xidhiidhiyaan?

J: horta waxa nasiib darro ah markii aan shalay aan xisbiga Kulmiye ku jiray waxan  a haa Mujaahid Cismaan, markii aan UDUB galay ee aanu ra’yigii siyaasadeed ku kala du wanaaney waxay i yidhaahdeen Cismaan Faqash, aniguna runtii waxan ka soo digo  ro gtay xisbigaa Kulmiye ee Axmed Siilaanyo ka dhigay tolaay yaa reer hebelaay, oo shir guddoonkii hogaanka xisbigiisuna uu qabiil ku dhisan yahay, waxase isweydiin leh  hal kuu xeerkii iyo barnaamijkii uu xisbiga Kulmiye lahaa uu ku dambeeyay, waxaana  mara g ma doon ah markii xukuumaddu ay ka hirgelinaysay diiwaangelinta gobolada Sool, S anaag bari iyo Buuhoodle ee ay u hurtay maal iyo muruqba, in deeganadaasi ay Somal iland yihiin waxa ka soo yeedhay Axmed Siilaanyo, carruurtayada u diri meyno  deega anadaasi aan amaankoodu sugneyn in diiwaangelin ay ka soo qabtaan, isagoo tilmaan fool xun siinayay caalamka, haddii ciddi faqash tahayna isaga ficiladiisa ayaa faqash u muuqda.

S : guddoomiyaha Kulmiye muddo dheer ayaad wada shaqeynayseen laguguna  tilma ami jiray in si weyn aad isugu dhoweydeen xiligii aad ahayd guddoomiyaha gobolka Ma roodi jeex ee Kulmiye, muddadii koobneyd ee aad UDUB ku soo biirtay maxaa keenay in aad colaada intaa le’eg aad u qaado hogaankaagii hore iyo xisbigii aad ka tirsaneyd?

J : anigu umaan shaqeyn jirin ee waanu wada shaqeyn jiray umana af duubneyn  wax aanan isku af garan weynay hogaamintii qaloocneyd ee uu xisbiga ku hogaaminayay oo aan markii dambena ka soo digo rogtay,aniguna wax colaad ah oo aan u qabo  xisbi gaa Kulmiye iyo hogaankiisa toona ma jiro, ixtiraam baase naga dhexeeya waxanse khaati ka joogaa odeygan Siilaanyo oo isagoo aanan waxba ka sheegin shakhsiyadiisa ee maalin kasta isagu khudbadihiisa fagaarayaasha si gardaro ah iigu soo qaadaya oo ay ugu dambeysay hadalkii uu dorraad igu maagay. :

 

Source:Haatuf