Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland,Adan Xaaji Cali Axmed,oo ka hadlay kormeerkiisii u horeeyay ee Maxkamadaha

 


Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in loo baahan yahay in hoos loo daadejiyo adeegyadda Maxkamaddaha si culayska looga qaado Maxkamadaha qaarkood.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaas ka sheegay ka dib markii uu khamiistii kormeerkiisii ugu horeey ay ku soo maray qaar ka mid ah laamaha maxkamadda degmadda Hargeysi ka furatay degmoo yinka magaaladda qaarkood.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay kormeerkan ay ku soo maray  Maxkamadda Degmo oyinka Hargeysa ayaA sheegay ina uu xog ogaal u noqonayay caqabadaha ka hor yimi waaxy ahan hoos yimaada Maxkamadda Degmadda waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in ma xkamaddaha hoos loo daadejiyo.

"Waxaannu doonaynay in aanu xog ogaal u noqono caqabadihii ka hor yimid aanu aragno max kamadaha waaxaha magaaladda ku yaallaa. Waxaan doonaynaa inaanu wax ka baranno anna goo ka fikirayna mustaqbalka in qeybo kale oo ka mid ah garsoorka la daadejiyo oo heer degm o la gaadhsiiyo. Markaa intaan tallaabo la qaadin waa inaad ogaataa wixii hore ee la u noqoto bal wixii hore in la daadejiyay halkuu dambeeyay iyo caqabado ah ee jira,”ayuu yidhi Guddoom iyaha Maxkamadda sare.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali waxa uu ku dooday in laamaha maxkamadda degmaddu ka furat ay degmooyinka caasimaddu ay qabteen wax-qabad weyn oo culays ka qaaday maxkamadii degmadda, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaa aanu soo marnay afar waax ood oo maxkamadda degmadda ah oo wax-qabad weyn haya, maxkamadda degmaddana culay s weyn ayay ka qaadeen ta ugu weyn ayaa boqol dacwadood lix bilood soo galaan. Kuwaasi oo iskugu jira madaniya ama qoys ah iyo dacwadaha ay awooda u leeyihiin inay qaadaan. Waanay ku guulaysteen wax racfaan ahna lagama qaadan dadkuna aad ayay ugu farxeen.”



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland