Guddoomiyaha Kulmiye Oo Yididiilo Ka Muujiyey Kul an Ay La Yeesheen Hay’adda Gacanta Ku Haysa Xogta Diiwaangelinta Ee Inter-Peace

 

Hay’ada Inter-Peace ee gacanta ku haysa macluumaadkii diiwaan gelinta  cod bixiyeyaasha iyo ku shaqaynta Server-ka ayaa shalay shir albaabadu u  xidh naayeen la yeelatay saddexda xisbi qaran iyo Komishanka doorashooyinka  Som aliland, si ay warbixin uga siiyaan qaabka ay u waajahayso kala shaan-dhaynta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Shirkaasi oo lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Hargeysa ayaa Hay,addu ay xisbiyada ku qancisay inay ka dhur-sugaan natiijada ay soo saari doonaan.

Kulankaas ka dib ayey saxaafadu waxa ay wax ka weydiiyeen Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ka hadlay shirkaasi arrimihii lagu falan qeeyey qaar ka mid ah ayaa waxa uu yidhi “Kulankaasi wuxuu ku saabsnaa Hay,ada Inter-Peace oo iyagu Server-ka masuul ka ah hawshiisa iyo qoladii la shaqaynaysey Kambanigii hawshii diiwaan gelinta gacanta ku hayey ayaa waxay sharaxayeen Server-ka sida uu u shaqaynayo, taariikhdiisa, siduu ku yimid iyo hawsha sida uu u wado.”

“Way naga balan qaadeen inuu hawsha sidiisii uga soo baxayo oo aanu carqalad ku noqonayn doorashada oo liiskii codbixiyeyaasha ee doorashada lagu gelayey ay soo saari doonaan, wakhtigii munaasibka ahaa ee loogu tallo galey 27-ka bishan, oo aanay waxba yeelaynin doorashashada,” ayuu yidhi Axmed Siillaanyo, waxaanu intaasi ku sii daray, “Waxay sheegeen in diiwaan gelintu tahay hawl tacab faro-badani galay, cilmi faro badani galay ay tahay oo aan shaki iyo baqdin midna aan laga werwerin.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey waxyaabihii ay Hay’addan kala hadleen ayaa waxa uu yidhi “Anaguna sidaas ayey saddexda xisbi qaranba ku hadleen kuna hambalyeeyeen inaanu kula shaqayno.”

Md. Axmed Siillaanyo, oo la weydiiyey in la siiyey warbixin ay ku qanceen, waxa uu yidhi “Natiijadu waxay noqon doonto ma ogin, laakiin siday noogu sharxeen farsamada ay ku gelayaan aad bay noogu qanciyeen in hawshaasi wakhtigeedii iyo wakhti munaasib ah ay ku soo baxayso.”

Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiyada kale oo saxaafadu isku dayeen inay wax ka weydiiyaan ayaa sheegay in kulankani ahaa mid farsamo oo ay axsaabta iyo komishanku ay warbixin kaga dhegaysanayeen Inter-peace, hase ahaatee wey ka gaabsadeen inay tafaasiil intaasi ka badan ay bixiyaan.
 

Haatuf