Guddoomiyaha Kulmiye oo Xafiiskiisa ku qaabilay wefti Safiirro Ingiriis ah

 



Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somalila nd ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ay aa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somalila nd iyo Soomaaliya Andrew Allen oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah sarkaal dhinaca siya asadda u qaabilsan safaaradda UK ee Ethiopia oo socdaal ku yimi dalka Somaliland.

Kulanka oo ay Guddoomiyaha ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIY E Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa labada dhinac diirradda ku saareen arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen xaal adda abaarta ee ay Somaliland xilligan ku jirto iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dar dar gelin lahaa kaalintii uu dalka Ingiriisku kaga jiray taageerada Somaliland.

Sidoo kale arrimaha doorashooyinka Somaliland, ayaa ka mid ahaa waxyaabaha madaxda xis biga KULMIYE iyo weftigu ka wadahadleen, iyagoo isla gorfeeyey sidii uu dalka Ingiriisku u sii wadi lahaa kaalintii uu ka qaadan jiray iyo taageeradii uu ku bixin jiray doorashooyinka Soma liland.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dheeraaday warbixinta uu safiirka ka siiyey xaalad da guud ee dalka Somaliland, gaar ahaana abaarta iyo taageerada ay u baahan tahay, waxa annu ku boorriyey dawladda Ingiriiska inay si mug leh ugala shaqayso dawladda iyo shacab ka Somaliland sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaarta, isla markaana uu Ingiriisku kaali n muuqata uga qaadan lahaa kaalmooyinka lagu gargaarayo dadka ay abaartu saamaysay.

Dhinaciisa Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Andrew All en, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan qorshe cad ka leeyihiin sidii ay qaybtooda uga qaad an lahaayeen gurmadka abaaraha ka jira Somaliland iyo meelo kale oo ka mid ah dalalka gob oka Geeska Afrika abaartu taabatay, isaga oo shaaciyey inay haatan ku hawlan yihiin qorsh aynta lacag dhan $110,000,000 dollar (Boqol iyo toban milyan) oo ay ugu talogaleen ka qay b-qaadashada abaarta ka taagan dhulalka Soomaalidu degto.

Waxa kaloo uu Safiir-ku-xigeenku xusay in dalkiisu sii wadayo taageeradii ay siin jireen door ashooyinka Somaliland, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo uu carrabaabay inay gac an weyn ka gaysan doonaan.


Ugu dambayntii, waxa uu sheegay inay dawladdiisa Ingiriiska ka go’an tahay sii xoojinta taag eerada hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dalka.