Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay In Komishanka Laga Sugayo Inay Ku Dhawaaqaan Maalinta Doorashadu Dhacayso

 


“Waad Ogtihiin In Taageerayaasha KULMIYE Ka Tirsan Ay Xidhaan Maalin Kasta Oo Ay Yidhaahdaan Halkanay Wax Ku Qarxinayeen”
Axmed Siilaanyo


Hargeysa, March, 26, 2010 (TNN) - Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed  Max amuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka laga sugayo inay ku dha waaqaan maalinta ay doorashada madaxtooyadu dalka ka qabsoomayso, isagoo  Xukuum adda Madaxweyne Rayaale-na uga digay inay carqaladayso geedi socodka  dimuqraadiy ada iyo doorashada.

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo waxa kale oo naqdiyey talaabada  madaxwaynu hu ku kala diray dhawaan gudidii cusbitaalka guud ee Hargeysa oo sababaha erigooda uu u cuskaday xilgudasho la’aan. Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo shalay ka hadlayey xaflad soo dhawayn ah oo ay u qabteen taageerayaal xisbigooda KULMIYE ku soo biiray oo ka dhacday Huteelka Scandanavian ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale dhaliilo  waxqab ad la’aan u jeediyey xukuumada isagoo Axmed Siilaanyo ugu horayn ka hadlaya  qabsoom ida doorashada madaxtooyada oo aanay ilaa hada komishanka doorashooyinku wali ku dhawaaqin maalinta ay qabsoomayso ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban  waay ay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo  Doorashooyi nka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd”

Mar uu ka hadlayey marxalada uu dalku marayo wakhtigan xaadirka ah Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu  gar anaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda  hirgeli yaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay  must aqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay  Saxaa faddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd ee ay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.”

Axmed-Siilaanyo mar uu ka hadlayey Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa ee  madaxwa ynuhu kala diray waxa uu yidhi “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cisbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhakhaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.”

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay  yidhaah deen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo  ilaali naya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo  midnim adiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno” .

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Axme Xaaji Cali Cadami waxaanu yidhi  “Ani gu waxaan leeyahay, dad lagama quustee, Wasiirka Duulista Hawada oo ahaa qofka  kali ya ee aan islahaa isagaa ku jira Xukuumadda, Madaarka Hargeysa hagaaji oo dhis.

 Dhawaan baan ka soo laabtay dibedda, waxaan ka soo degay Garoonka Berbera, dadkeenii Qurba-joogga ahaana way la soo noqonayaan Ubadkii, markaa waxaan leeyahay Caruurta iyo dadkuba ma awoodaan safarka intaa le’eg (Hargeisa ilaa Berbera) ee Madaarka dhis.”

Source:Haatuf