Guddoomiyaha KULMIYE oo Muddo-kordhinta Rayaale ku Tilmaamay Dimuqraadiyaddii Somaliland oo Adhaxda Laga Jabiyey

 

Guurtidu shaqo iyo shuqul midna kuma laha cayimaada doorashada, waxaana sharciyan iska leh komishanka”


“Arrintaas waxaan u markaa nabar dhaawac weyn wata oo soo gaadhay hannaankii dimoqraadiyadda ee Somaliland ku caano maashay ee beesha caalamku ku bogaadisay”




Waraysi Khaas ah –
Axmed-siilaanyo


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay nabar dhaawac weyn wata oo soo gaadhay hannaankii dimoqraadiyadeed ee Somaliland ku caano maashay, isaga oo Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu lacag qayrul-xad ah iyo milatarigii dalka u dhexda ahaa u adeegsaday meel-marinta qorshaha uu damacsanaa si uu kursiga ugu fadhiyo.


Guddoomiyaha oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si aannu waydiino dareenkiisa ku waajahan muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Daahir Rayaale iyo xukuumaddiisa oo muddo toddoba bilood ah loo ansixiyey inuu talada dalka gacanta ku sii hayo, ayaa waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu arrintaas ka fadhiisan doono, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono, balse isaga oo dareenkiisa cabiraya waxa uu yidhi; “Arrintaas waxaan u markaa nabar dhaawac weyn wata oo soo gaadhay hannaankii dimoqraadiyadda ee Somaliland ku caano maashay ee beesha caalamku ku bogaadisay. Runtiina waxaan ku tilmaami karaa gabbal u dhacay dimoqraadiyadii Somaliland iyo bulshadii diyaarka u ahayd doorashada, dimuqraadiyadiina dhabarka ayaa laga jabiyey.


Xisbiga ahaana mowqif aad baanu isku taagi doonaa, laakiin iminka dareenkayga ayuun baan cabirayaa, muddadan doorashada ee ay Guurtidu qabatayna anigu ma ogi cid soo codsatay, Madaxweynuhu ma codsan, Komishanku ma codsan, axsaabtiina ma codsan ee waa arrin aannu ka hadli dooni, sidii wax u dhaceena waa lawada arkayey oo xukuumaddaa Guurtidii cudud militari iyo lacag u adeegsatay meel-marinta qorsheeda, waxaanna caddaan ah in Daahir Rayaale lacag iyo cudud milatari adagsanayo uu dimoqraadiyadii dalka uu adhaxda ka jabiyey, bulshaduna taas way ogtahay, annaguna waannu ognahay.


“Golaha guurtidu xaq uma laha in ay cayimaan maalinta doorashadu dhacayso, arintaasna waxa ku shaqo leh in ay cayimaan maalinta doorashada komishanka, guurtidu shaqo iyo shuqul midna kuma laha cayimaada doorashada, waxaana sharciyan iska leh komishanka doorashooyinka qaranka, arintaasna wax alaale wax laga weydiiyey asxaabta qaranka ma jiraan.”


Waxaanna uu Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) intaa raaciyey in muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda Daahir Rayaale ay dhaawac fool xun u geysanayos qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland, iyada oo niyad-jab ku keeni karto waddamada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Somaliland.


Xisbiyada mucaarad ah ayaa hore u caddeeyey in marka la gaadho 6 April 2009 oo ku eg waqtigan uu xilku ka dhammaanayo Madxweyne Rayaale aanay aqoonsanayn sharcinimada Madaxweynenimo ee Daahir Rayaale Kaahin.





Jamhuuriya Online