Guddoomiyaha Kulmiye
Oo Ku Baaqay In kooxaha Argagi xisada Ah Ka Hortagooda Loo
Mideysnaado Dawl daha Deriskana Uga Digey In Wax Faro Gelin Ah Ay Ku
Sameeyaan Doorashooyinka Somaliland
Haddii Adduunku Inagu Marti Qaado Shirweynayaasha Caalamku Iskugu
Imanayo Haddii Dawladeenani Meelna Ina Gaadhsiin Weydaye Waa In Aynu
Ka Qayb Galno Oo Aduunka Wax La Qabsano”
Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo
Hargeysa, December 3, 2009-(Timacade News)-Guddoomiyaha xisbiga
Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ku baaqay in
kooxaha argagixisada ee doonaya in nabadgelyada Somaliland ay
burburiyaan wada jir looga hor tago qaran ahaan isla markaana loo
midoobo difaaca dalka.isagoo intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland
iyo dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya uu yahay mid daruuri ah balse ka
digay in wax faro gelin ah ay ku soo sameeyaan arrimaha daakhiliga
iyo doorashooyinka Somaliland kana digay in magaca Soomaali weyn
lagaga qayb galo shirarka caalamku qabto kuna baaqay in shirarka
caalamku ku marti qaado Somaliland ee aduun weynuhu isku imaanayo in
Somaliland ay ka qayb gasho kana digay in gaashaanka lagu dhufto ka
qayb galadooda.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Mujaahid Axmed Siilaanyo waxa uu
sidaasi ku sheegay mar uu wargeyska Haatuf xalay ugu waramayay
khadka tilifoonka, isagoo ugu horeyn ka hadlaya kooxaha argagixisada
ah ee ka soo hor jeeda xasiloonida iyo jiritaanka Somaliland waxa uu
yidhi “horta argagixisadu waa wax jira horena u jiray hadana jiri
doona waxaynu kaga hortagi karnaa inagoo ka midaysnaana qaran ahaan
axsaab ahaan shacbi iyo culimaba horena waa kuwii iskugu keen dayay,
waxa keli ah ee aynu ka midaysanahay waa in ciddii nabadgelyadeena
khatar gelinaysa inaynu iska jirno meel kaliyana uga soo wada
jeedsanaa”. Wareysigaas oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu u dhacay
sidan :
S : Xisbi ahaan siddee baad u aragtaa in shirarka Somali weyn cid
Somaliland ka socotaa ka qayb gasho dhinac kasta ha ka tirsanaadaane?
J :horta shirarku waa laba nooc waa mid Somaliya khaas u ah iyo shir
aduunweynuhu uu isugu yimaado, haddii ay midowga Afrika shirkooda
inagu marti qaadaan ma waxaynu odh anaynaa ka qayb geli meyno
oo Soomaaliyaa ku jirto, waa halkii ay iyagu ka diidi lahaayeen ee
ay odhan lahaayeen magaca Somaliya ha kaga soo qayb galeen haddii
shirarkaasi mag ac Soomaaliyeed lagaga qayb galo waa qalad
haddii magaca Somaliland lagu marti qaado kaga qayb galaan waa sax
oo aduunka wax lala qaybsado haddii dawladani aduunka meel na
inaga gaadhsiin weyday waa in shirarka aduunku iskugu imanayo ee
lagu marti qaado aynu ka qayb galno si aynu aduunka uga qayb galno.
S : haddii magaca Somaliweyn lagaga marti qaado reer Somaliland
shirarka caalamku isugu imanayo ma waxad ku talinaysaa in laga qayb
galo?
J :maya, ku talin maayo ee waa in magaca Somaliland lagaga qayb galo.
S : dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ee Somaliland la dariska ah in
xidhiidh wax wada qabsi lala yeesho, mawqifka xisbigiinu muxuu ka
qabaa cilaaqaadka xukuumadda iyo dawladahaasi ka dhexeeya?
J : dalalka Itoobiya iyo Jabuuti waxanu u aragnaa dalal jaar ah oo
loo baahan yahay in xi dhiidh nabadgelyo, ganacsi iyo guud
ahaanba mandaqada uu inaga dhexeeyo uu yahay lagama maarmaan oo aan
qolana qolada kale arrimaheeda faro gelin siyaasadeedana ku qadariso
ayaanu qabnaa inuu na dhex maro.
S :tan iyo intii ka dambeysay heshiiskii lagu soo af jaray
khilaafaadkii siyaasiga ahaa waxad moodaa inuu soo laba kacleeyay
khilaaf hor leh oo ku saabsan weedhaha kul kulul ee ay isku
adeegsadaan xisbul xaakimka iyo xisbiyada mucaaridku , miyaanay
arrimahaasi xagal daacin karin geedi socodka doorashada?
J :weerar iyo difaac anagu ma sameyno, ololayaasha ay taageerayaasha
xisbiyadu qabsa daan iyo khudbaduhu waa hawlihii xisbiyada
laakiin wixii qaranimada dhaawacaya ee la isku eedeeyo ayaa khalad
ah sida tii Cismaan Hindi sameeyay oo kale, waa arrimo dhaawac ku ah
qaranimada oo xisbi keli ah aan wax yeelaynayn balse ololayaasha
kale waa hawlo iska axsaabi ah.
S : agaasimihii idaacada Radio Horyaal ee magaalada Nairobi kaga
qayb galay shirkii suxu fiyiinta Somaliweyn loo qabtay ayaa
warbaahinta Internet-ku waxay qortay in xisbigiina Kulmiye uu door
ku lahaa ka qayb galka shirkaasi, arrimahaa maxaad ka leedahay?
J : Kulmiye ma dirin, Horyaala saxaafada madaxa banaan ayay ka mid
tahay, sowtaynu ma qalay in koox saxaafada ka mid ah shirkaasi
laga soo celiyay, haddiise uu ka qay galay anagu xisbi ahaan maanu
dirin.
S : Idaacada Horyaal waxa lagu tilmaamaa in xisbigiina Kulmiye uu
maamulkeeda hago, aa saaskeediina aad laheydeen isla markaana idinku
aad maal galisaan, arrimahaa maxaa ka jira?
J : Kulmiye ma maal geliyo ee Horyaal waa idaacad madax banaan, way
dhici kartaa in ta ageerayaasha xisbigu gacan weyn ku
leeyihiin laakiinse taageero dhaqaale oo rasmi ah oo xisbigu siiyaa
ma jirto.
Source:Haatuf
|