Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Digay In Faro-Gelin La g u Sameeyo Doorashada Hogaanka Komishanka Cusub

 

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ka Digay In Faro-Gelin Lagu Sameeyo Doorashada Hogaanka Komishanka Cusub, Saluug Weyna Ka Muujiyey Marti Qaadka Rayaale U Fidin Waayey Shirgudoonada Baarlamaanka

Waxaan U Arkayey In Madaxweynuhu Shirguddoonada Baarlamaanka Iyo Madaxda Kale Ee Xisbiyada Uu Ku Marti Qaado Xaflada Dhaarinta Komishanka, Mana Garanayo Waxa Uu Anaga Noogu Koobay

Waxaan Qabaa In Xubnaha Komishanka La Isku Daayo, Xilkaasina Iyaga Laftooda Ayuu Saaran Yahay”Axmed Siillaanyo

Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed  Maxa med Maxamuud Siillaanyo ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan wax faro-gelin ah  aan ay ku samaynin xubnaha komishanka doorashooyinku ay u dooran doonaan  gudoom iyaha iyo gudoomiye ku xigeenka, kana digay in wax faro-gelina lagu sameeyo  komis hanka cusub, isagoo intaa ku daray in uu saluug weyn ka muujiyey marti qaadka uu madaxweyne Rayaale labadooda gudoomiye xisbi mucaarid ugu fidiyey xaflada  dhaa rinta ee komishanka cusub ee maanta ku qabsoomi doonto qasriga madaxtooyada, taasoo dareenka uu ka qabo sheegay, inay haboonayd in madaxweyne Rayaale  shir gudoonada baarlamaanka iyo madaxda kale ee axsaabtana ku marti qaado .

Gudoomiye Axmed Siillaanyo waxa uu sidoo kale beeniyey loolanka saddexda xisbi iyo guurtidu iska dhex wadaan xubnaha ay soo kala magacaabeen in iyagu ay bari ka yihiin.

Axmed Siillaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay xog-waraysi khaasa oo wargeyska  Ha atuf khadka Telephone-ka xalay kula yeeshay, waraysigaas oo Su’aalo iyo jawaabihii ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan:

S. Madaxweyne Rayaale labadiina gudoomiye xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid ayuu idinku martiqaaday xaflada lagu dhaarin doono maanta xubnaha komishanka  dooras hooyinka ee cusub oo ku qabsoomi doonta qasriga madaxtooyada, taas oo  gudoomi yaha maxkamada sare dhaarta distooriga ah eek u waajibtay xubnaha komishanka uu kaga gudan doono, taas oo madaxweynuhuna goob-joog ka noqon doono  martiq aadkaa madaxweynaha sideed u aragtaa oo ma ka qaybgalaysaa?

J. kolay waa xaflad dhaarina oo waan tagaynaa waxaanse u arkaayay maadaama ay xaflad dhaarina ay tahay inaanu madaxweynuhu ku koobin marti qaadka labadayada gudoomiye ee qudha’e ay haboonayd inuu iyagana marti qaad u fidiyo   shirgudoon ada labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxda kale ee xisbiyada-ba, mana garanayo sababaha uu anaga oo kaliya noogu koobay martiqaadka xafladaasi manta lagu  dha arinayo xubnaha komishanka oo loo baahnaa in la ballaadhiyo ka soo qaybgalkeeda/

S. waxa saddexdiina hogaamiye xisbi iyo gudoomiyaha guurtida eedayn la idiinka soo jeedinayaa shirar doceedyo aad la kala yeelanayseen maalmahan u dambeeyay  xub nihii komishanka aad u soo kala magacawdeen, oo la sheegay in loolan xoogan aad ka dhex bilawdeen sidii gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub ee ay iska dhex dooran doonaan komishanku ay u noqon lahaayeen xubno aad saamayn idin ku yeesha  arim ahaasi maxaa ka jira?

J. waxay ila tahay hawshaasi rag baa loo doortay wixii imika ka dambeeyana  hawsh aasi xilkeedu waxa uu saaran yahay oo u yaalaa xubnaha komishanka ee la soo  doo rtay inay wax is weydiiyaan gudahoodana waxaan filayaa inay meesha ku jirto, wax aanse qabaa in doorashada hogaanka komishanku ay u taalo todobada xubnood ee la soo doortay anaguna waanu ku tixgelinaynaa waananu ku ixtiraamaynaa  xilkood aasi

S. ma waxaad leedahay anagu xisbi ahaan bari baanu ka nahay kulanada xubnaha  k omishanka ee ku saabsan kaambaynka xubnaha hogaaminta noqon doona ee  wakhti gan xaadirka ah ololuhu ka aloosan yahay

J. Runtii dadku way iska sheekaytaan dadkeenuna way iska hadalo badan yihiin  laak iinse anagu xisbi ahaan wax official ah oo faro-gelin ah oo aanu ku samaynay  komis hankaa doorashooyinka haba yaraatee ma jirto

S. Haddii xubnaha komishanka doorashooyinka axsaabtiina siyaasada ee soo kala  m agacawday aad durba ku kala jiidataan xubnaha komishanka loolan ku saabsan  lool an ku saabsan xaga awooda hogaaminta, miyaanay taasi todobada xubnood ee  ko mishanka kala qaybinayn?

J Ma qabo umana arko in cidina wax faro galin ah ku samayso xubnaha komishanka waxaana haboon in iyaga la isku daayo gudahooda xil baa wada saran oo masuuliyid qaran oo qudha ayay wada hayaan, oo ay ku wada dhaaranayaan xilkeeda loona baahan yahay in laga fogaado waxkasta oo faro gelina in haba yaraatee cidina ku samayso.


Source:Haatuf