Guddoomiyaha KULMIYE iyo Xoghayaha Guud ee UDUB oo ka Hadlay Mawqifkooda la Xidhiidha Hadalkii ka soo Yeedhay Safiirka Masar


 



Madaxweynaha iyo dawladdii uu la kulmay safiirku ee aan wax tallaabo ah ka qaadin ha caddeeyaan inay la qabaan aragtidiisaAxmed Siilaanyo




“Xidhiidhka Masar iyo Somaliland ha laga daayo hadimada iyo ficilka cadaawadeed” Xoghayaha guud ee UDUB


Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed  Maxa med Maxamuud (Siilaanyo) iyo xoghayaha guud ee xisbiga tallada haya ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa soo bandhigay mawqifkooda la xidhiidha hadalkii safiirka Masar u qaabilsan Somaliya uu ku sheegay inuu Somaliland u arko gobol ka mid ah Somaliya oo ay shalay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa.


Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xoghayaha guud ee UDUB oo  Jamhu uriya xalay si gooni gooni ah khadka telefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga  way diino mawqifka ay xisbi ahaan ka qabaan hadalka safiirka Masar isaga oo Hargeysa jooga uu ku sheegay in Somaliland tahay gobol ka mid ah Somaliya, ayuu mid  kasta aba dhinaciisa waxa uu soo bandhigay halka ay ka taagan yihiin hadalka safiirka.


Md. Axmed Siilaanyo, ayaa ayaan daro ku tilmaamay in safiirka Masar Hargeysa ka dhex yidhaahdo Somaliland waa gobol ka mid ah Somaliya, isaga oo sheegay in aanay dhinacooda wax kulan ah la yeelan safiirka, balse waxa uu sheegay in  madaxweyna ha iyo dawladda uu la kulmay caddeeyaan inay safiirka ku raacsan yihiin mawqifkiisa iyo in kale.


Isaga oo guddoomiyuhu arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waa ayaan-darro  we yn in safiirka Masar Hargeysa ka dhex yidhaahdo Somaliland waxaan u arkaa Gobol ka mid ah Soomaaliya, cidda uu u yimi ee uu soo booqday waa dawladda oo  Madaxw eynaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibeddaba way is arkeen, waxay ahayd inay u sheegaan in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya, haddii kale dawladdu ha cad dayso inay la qabto.


Runtiina aad iyo aad baannu uga xunnahay in safiirka Masar isaga oo Hargeysa  joo ga uu yidhaahdo waxaan idiin arkaa Gobol Soomaaliya ka mid ah, waananu ka  xunna hay in dawladda Masar oo caalamka Islaamka iyo dawladda Carabta oo xidhiidh qoto dheeri innaga dhexeeyey oo aynu hiil badan u samaynay in safiirkoodii uu sida indho adayga ah meel ugaga dhaco qarannimada iyo masiirka ummadda reer Somaliland.


Annagu xisbi ahaan maannu arag sariifka wax kulan ahna lammaanu yeelan, Madaxw eynaha iyo dawladdii uu la kulmay safiirku ee aan wax tallaabo ah ka qaadin ha  cadd eeyaan inay la qabaan aragtidiisa.”


Xoghayaha guud ee xisbiga taladda haya ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo  isa gana aanu waydiinay mawqifka ay xisbi ahaan ka qabaan hadalka safiirku kaga dhex dhawaaqay caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid ku  koo ban safiirka oo aanay Somaliland la wadaagin, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi;


“Xidhiidhka Masar iyo Somaliland ha laga daayo hadimada iyo ficilka cadaawadeed,h a ddii safiirku uu ka hadlay waqooyi iyo koonfur waa mid isaga ku kooban oo  Somalil and lama wadaagto, laakiin hadhow ayuu ogaan doonaa in sidii Syria iyo Masar u  mi doobeen ee ay Syria markii dambe uga go’day inay Somaliland iyo Soomaaliya kala ahaayeen laba dal oo xor ah oo isku biiray oo markii dambena Somaliland dib ula soo noqotay madaxabannaanideedii oo midkastaaba leeyahay xuduud caalami ah oo la garanayo.


Waxaan qabaa inay Masar intay doontaba indhaha ha ka leexiso madaxbannaanida Somaliland inay mar uun aqoonsan doonto Somaliland, waxa weeye safiirkanina waxa uu soo bandhigay heerka ay ilaa hadda dawladda Masar ka qabto arrimaha  Sooma aliya, mana beddeli karo isagu, wuunna arkay in odhaahdiisa caynkaas ahi dhibtay shacabka reer Somaliland, laakiin isagu rayiga waddankiisu qabo ayuu sheegay oo kama been sheegin.


Waxa jira dugsiyo ay maamusho dawladda Masar iyo macallimiin borosofeero ah oo wax ka dhiga dugsiyada sare, kuwaas ma aha qaar aynu innagu lacag ka bixino ee waa deeq Masar innoogu talogashay, waxa la yaabaa kuwa Masar dhaleecaynayaa ee joornaallada wax ku soo qorayaa inay wax ka barteen dugsiyada macallimiinta Masaaridu wax ka dhigaan.


Waxa innala gudboon in aynu furno jariirad afcarabi ku hadasha oo aynu qaddiyadda Somaliland ugu soo bandhigno waddamada Carabta iyo Masar oo aynu ku gar-naqsa nno, waxaanna fiican in wax la is tusaaleeyo oo la is qanciyo, siyaasadda Somaliland ma aha in albaabada iyo daaqadaha la xidho oo meel la isku go’doomiyo, annagu xisbi ahaan waxaannu kula talinaynaa xisbiga mucaaradka ee KULMIYE iyo UCID inay soo dhoweeyaan xidhiidhka dalalka jaarka ee ay ka mid tahay Ethiopia, Djibouti iyo kuwa kale.”


Waxa uu Xoghayaha Guud ee UDUB si qoto dheer uga sheekeeyey xidhiidhkii hore ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Masar, isaga oo xusay waqtigii uu dhacayey dagaalkii Suways Kanal ee 1967-kii ardaydii ajaanibka ahaa ee wax ka baranayey dalka Masar uu Jamaal Cabdinaasir u sheegay in waddamadoodii ku noqdaan, balse ardaydii reer Somaliland arrintaas ka diideen, iyagoo sheegay inay ka barbar dagaallami doonaan ciidammada Masaarida, waxaannu xus




Source: Jamhuuriya Online