Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Ghana oo Sax aa fadda iyo Ururrada Bulshada Somaliland ugu baaqay inay Gaadh ka noqdaan Dhaqangelinta Xeerka Anshaxa

 

“Iskaashiga noocan ah waxay tallaabo muhiima u tahay ka midho-dhalinta qabsoomidda  dooras ho lagu kalsoon yahay”

“Waana in xisbiyada siyaasadda oo fulinaya ku dhaqanka xeerkan ay la yimaaddaan anshax  dhe xooda ah si loo yareeyo khaladaadka iyo gefafka dhaca”


“Waxaan ogahay in Guddiga Doorashooyinku awood buuxda u leeyihiin dhaqaajinta xeerka anshaxa haddii ay yihiin Komishan madaxbannaan, caddaalad ku shaqeeya, isla xisaabtami kara oo dhex u ah dhammaan axsaabta qaranka ee u tartamaysa doorashada”


Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dalka Ghana Md. Kwadwo Afari-Gyan, ayaa daboolka ka qaaday in hadii si buuxda loogu dhaqmo xeerka anshaxa xisbiyada qaranku kala saxeexdeen ay Somaliland ka dhici doonto doorasho xor iyo xallaal ah oo lagu wada kalsoon yahay, isaga oo komishanka doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda ugu baaqay inay wdaa jir ugu guntadaan sidii looga midho dhalin lahaa qabsoomida doorashada.

Mr Afari-Gyan oo ah khabiir aqoon dheer u leh doorashooyinka, isla markaana muddo dheer ahaa guddoomiyaha komishanak doorashooyinka dalka Ghana oo shalay hadal ka jeediyey xafladdii  xib iyadu ku kala saxeexdeen xeerka anshaxa doorashooyinka ee ka dhacday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda xeerka anshaxa ee xisbiyada iyo Komishanka Somaliland wada saxeexdeen oo uu sheegay in aan la’aantii doorasho fiicani dhici karin, waxaannu sheegay haddaan lagu dhaqmin xeerkaas in aanay doorashaduna noqon doonin mid lagu wada qanco.

Sidaa daraadeed, waxa uu Md. Kwadwo Afari-Gyan u soo jeediyey xisbiyada iyo Komishanka  So maliland inay dhawraan, ilaaliyaan, kuna dhaqmaan xeerka anshaxa wada-shaqaynta oo uu  tilm aamay haddii sidiisa loo raaco in wax badani ku saxmi doonaan, doorasho xor iyo xalaal ahna  dal ka markaas ka dhici karto.

“Waxaan markii ugu horreysay xeerkan anshaxa ogaaday dhawr bilood ka hor, waqtigaas oo aan Komishanka iyo wakiillo ka socday xisbiyada qaranka kula kulmay magaalada Addis Ababa ee  dal ka Itoobiya, aad baanan ugu faraxsanahay in aan maanta [shalay] ka qaybgalo gebagebadii  xee rka anshaxa lagu saxeexayey.

Waxaan rumaysnahay in xeerka anshuxu yahay mid si buuxda ururintiisa looga wada qaybgalay oo ka dhashay iskaashi wanaagsan oo dhexmaray Komishanka Doorashooyinka iyo axsaabta  qa ranka, arrintaas oo ah wax wanaagsan, maxaa yeelay iskaashiga noocan ah waxay tallaabo  mu hiima u tahay ka midho-dhalinta qabsoomidda doorasho lagu kalsoon yahay.

Xeerka anshaxa ee xisbiyada siyaasaddu waxa loogu talogalay in lagu dhaqo xisbiyada waqti kasta, gaar ahaan waqtiga lagu gudo jiro doorashada, iyadoo ay muhiim tahay in dhaqaajinta xeerkan aan lagu koobin, isla markaana aanay hareeraha ka joogin oo qudha xisbiyada  siyaasad da ee tartanku ka dhexeeyo, laakiin waa inay ilaaliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha  siyaas adda iyo taageerayaasha axsaabtuba, taasoo sababi karta in dhinacyada oo dhan halgan u  gal aan ilaalintiisa, sidoo kalena faa’iido u horseedi karo dalka iyo dadkaba. Haseyeeshee, markaa waa in arrimahaas oo dhan hirgelintooda la oofiyaa oo laga dhabeeyo ballanqaadyada lagu  hirg elinayo xeerka anshaxa ee la kala saxeexday, waana in xisbiyada siyaasadda oo fulinaya ku  dha qanka xeerkan ay la yimaaddaan anshax dhexdooda ah si loo yareeyo khaladaadka iyo gefafka dhaca.

“Markaan u hadlo sidii maamule doorasho waxaan ogahay in Guddiga Doorashooyinku abuuri  kar aan, isla markaana awood buuxda u leeyihiin dhaqaajinta xeerka anshaxa; waa haddii ay yihiin Komishan madaxbannaan, caddaalad ku shaqeeya, isla xisaabtami kara oo dhex u ah dhammaan axsaabta qaranka ee u tartamaysa doorashada, aad bayna u fiican tahay in aynu mar labaad aragno saxeexa heshiiska xeerka anshaxa oo sidiisii loogu dhaqmayo, waana in xeerka anshaxa la faafiyo si cid waliba u ogaato, gaar ahaan waa in saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ahi xeerkan haystaan si ay ugu ilaaliyaan in xisbiyadu ku dhaqmayaan, sidoo kalena gaadh ka noqdaan ku dhaqanka xeerkan.

Haddii arrimahaasi hirgalaan waxaan rajaynayaa in doorasho xor iyo xalaal ah ka dhici doonto  S omaliland, khayr iyo wanaag ayaanan idiin rajaynayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga  Door ashooyinka dalka Ghana Md. Kwadwo Afari-Gyan.



Source: Jamhuuriya Online