Guddoomiyaha Komishanka cusub ee Doora shada oo ka hadlay qorshayaashooda
 


Hargeysa (Timacadenews.com)- Gudoomiyaha cusub ee gudiga  doorashoo yinka Somaliland Ciise Yusuf Xaaji Maxamed, ayaa markii u horreysay ka  ha dlay arrimaha Doorashada. Waxaanu ka warbixiyay tallaabooyinka ugu  hor rayn ay qaadayaan.

Guddoomiyaha Komishanka cusub oo markii u horraysay u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC, ayaa sheegay inay bilaabeen la-kulank a Axsaabta Siyaasadda. Isla markaana wuxuu xusay in ugu horrayn  tallaab ooyinka ay qaadayaan ay ka mid tahay inay saxaan arrinta Diiwaangelinta oo ah shuruudda ku xidhan muddaynta cusub ee waqtiga Doorashada la  qa banayo. Taas oo uu sheegay inay kala tashanayaan Qaadhaan-bixiyayaas ha Caalamiga ah iyo farsamo-yaqaanadii maxalliga ahaa ee hore uga qayb galay hawsha diiwaangelinta.

Mar Guddoomiyaha la waydiiyay waqtiga ay dalka imanayaan Khuburada  Aj aanibka ah ee saxaya khaladaadka la sheegay in uu ku jiro Diiwaangelinta, ayaa wuxuu sheegay in ay arrintaa ka xidhiidheen Qaadhaan-bixiyayaasha, isla markaana ay ku wargeliyeen inay sida ugu dhaqsaha badan dalka u  ima nayaan.

Guddoomiyaha Komishanka cusub ee Doorashooyinku wuxuu sheegay inay Xubno Guddi ahaan isku duuban yihiin, isla markaana ka faa’iidaysanayaan khaladaadkii hore ee ay ku kaceen Komishankii iyaga ka horreeyay, maadaa ma buu yidhi, “Aanu haysano Kalsoonida Xisbiyada iyo Shacabkaba.”



Source: Somaliland.Org