Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Somaliland Oo Taf aa siil ka Bixiyay Socdaal Wefti Uu Hoggaaminayay Ay Ku Soo Mareen Saddex dal Oo Afrikaan Ah
 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada  Somali land C/raxmaan Xuseen Ismaaciil (Cadami) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga xog-waramay socdaal hawleed oo uu dibada kuna soo maray qaar ka mid ah wadamada Qaarada Africa.

Mr.cadami waxa uu aad uga waramay socdaalkaasi iyo meelaha ay ku soo mareen isaga oo xusay in uu socdaalkaasi ay ku soo dhameeyeen muddo toban maalmood ah. Guddo oomiyuhu waxa uu sheegay in socdaalkoodani uu la xidhiidhay Barnaamijka Tayaynta shaqaalaha iyo shaqaalaha ee Dawlada oo ay baryahanba ku hawlanaaayeen isagoo sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan hay’ado badan oo ay ugu horayso UNDP.

C/raxmaan Xuseen, Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladu waxa uu xusay in socdaalkiisan ay ku weheliyeen 13 agaasime guud iyo xisaabiyaha guud ee Qaranku. Waxa uu sheegay in socdaakoodan ay ka heleen waayo aragnimo iyo aqoon korodhsi ay ka heleen socdaalkooda.

Waxa kale oo uu tilmaamay In wadamada ay soo mareen ay ka mid ahaayeen  Ruwaa nda,Tansaaniya iyo Ugaandha.

Mar uu guddomiyuhu ka hadlayay dadaalka dawladahaasi ee dhinaca shaqada waxa uu sheegay In sideeda subaxnimo ilaa shanta galabnimo ay shaqeeyaan wadamadaas oo si joogto ah aqoontooda kor loogu qaado. Mar kale oo uu ka hadlaayay xilka iyo waajibaadka in dib u dhaca Ummada ku yimaada iyo horumarka ay saamayn ku leeyihiin shaqada oo badata ama yaraata. Waxana lagama maarmaan ah-buu yidhi, in xil la iska saaro shaqaalaha si ay u noqon lahaayeen kuwa fahma ama garta saacadaha shaqada oo la badiyo.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaaluhu wuxuu sheegay in wadamada ay socdaalka ku soo mareen ay ahaayeen wadamadii uu hore Madaxwaynuhu socdaalka ugu soo maray, taasina ay ahayd-buu yidhi, tallaabo noo sahashay oo noo gogol xaadhay buu yidhi isla

markaana ay noo aqoonsadeen madaxda dawladahaasi.



Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladu waxa uu carbaabay in Kooxda labaad ee agaasimayaasha wasaaraduhu ay tababaro ugu kici timi doonaan dalalkaasi.\




 


Mustafe future
Longlivesomaliland News
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office