Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay In Rayaale Xa ga Afkaarta Ay Ku Kala Duwanaan Karaan, Kana Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Madaxtooyada

 

Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale ay xaga afkaarta ku kala duwanaan karaan, balse ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo isagoo intaa ku  da ray in komishanka doorashooyinku ay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay  dooa shada madaxtooyadu qabsoomayso, kana digay dibu dhac dambe oo ku yimaada doorashada.

Gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay wargeyska Haatuf ugu waramayey guriisa magaalada Hargeysa ayaa xog-waran kala  yeela nay ujeeddada safarkiisa maanta uu ugu baxayo dalka UK oo uu sheegay in  safar kiisu yahay isaga u gaara ayaa ugu horayn gudoomiye Saleebaan oo aanu wax ka weydiinay khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Rayaale isaga in khilaafkaasi  sa amayn ku yeelan karo hawlaha qaranka, isaga oo arrinkaas ka hadalayana  wa xa uu yidhi “Kolay aaraada waa lagu kala duwanaanayaa laakiinse waxa muhiim ah oo waajiba in la wada shaqeeyo, madaxda qarankana waxa ku waajib qaran wada shaqayntoodu”

S. Komishanka doorashooyinka ee dhaartoodii xilkaasi loo dhaariyey ee labadiina gudoomiye baarlamaan aan madaxweyne Rayaale idinku martiqaadin, sideed u  ar agtaa?

J. Komishanka doorashooyinka waxaan ugu baaqayaa inay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay doorashada madaxtooyadu qabanayaan, iyadoo dhawr jeerna ay doorashayoonku ay dib u dhaceen, waa inay ka feejignaadaan dibu dhac dambe oo dalka gayeysiin kara khilaafaad sababi kara burbur, waxaanan kula dardaarmayaa inay xaq-soor iyo cadaalad ku gutaan waajibaadkooda iskana ilaawaan hay’adihii iyo axsaaabtii soo kala magacawdayna, xubnaha hogaamintoodana aanay ku dooranin sidii loo soo kala magacaabay, balse ay u doortaan inay u doortaan qofkii ay u arkaan inuu ka soo bixi karo hogaamintooda.

 

 

Source:Haatuf