Guddoomiyaha Guurtida Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Magacaabeen Xubnahoodii Komishanka Cusub Iyo Dare emo Sas Leh Oo Ka Dhashay Labada Xubnood Oo Ka Tirsanaan Jiray Nss-Tii Siyaad Barre
 

 


Shirgudoon Ahaan Waanu Isku Raacsanahay Magacaabista Xubnaha Komishanka Cusub, Madaxweynaha Iyo Axsaabta Mucaaridkana Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Soo Xulaan Xubno Tayo Leh” Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland  Saleeb aan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka qaday in labadoodii xubnood ee Komishanka  doora shooyinka cusub ay si rasmiya umagacaabeen, islamarkaana ay xalay u gudbiyeen  Mada xweynaha, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaasha labada  xi sbi Mucaarid ugu baaqay inay soo magacaabaan xubno tayo leh oo dalka ka hirgeliya  doo rashadii Madaxtooyada.

Waxaanu sidoo kale meesha ka saaray in xubnahooda shirguddoonku aanay isku khilaafin xulistii magacaabista xubnahaasi oo uu sheegay in shirguddoonkoodu ay si wadajir ah u wada saxeexeen magacaabista xubnaha ay u igmadeen komishanka doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan oo aanu xalay khadka Telephone-ka wax kaga weydiinay  magaca abista xubnahoodii komishanka waxa ka jira in shirguddoonkoodu ay isu khilaafeen iyo  w a xa hortaagan soo magaabistooda, isagoo guddoomiyuhu arrinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa khilaafa oo shirguddoonkayagu ama is qabada oo aanu isku qabanay  mag acaabista komishanka cusub haba yaraatee ma jirto, labadii xubnood ee aanu u soo  mag a caabi jirnay komishankaana maanta ayaanu maanta (shalay) ayaanu magacawnay, ma gacaabistoodana shirguddoon ahaan waanu u dhamayn si wadajira ayaanu u wada  saxe exnay arrinkaasina waa naga dhamaaday oo wax ka qabyo ahi ma jiro”

S. Madaxweynaha miyaad u gudbiseen xubnaha Komishanka aad magacawdeen?

J. Caawa (xalay) ayaanu u gudbinaynaa madaxweynaha xubnaha cusub ee komishanka

S. Ma noo sheegi kartaa magacyada labada xubnood ee aad magacawdeen?

J. Maya ma magac dhabayo.

S. Magacaabista xubnaha loo dooranayo komishanka waxa dhaliilo badan laydiinka soo jeedinayaa hay’adihiina soo magacaaba inaydaan ka fiirsanin xubnaha aad u magaabaysaan, taasina ay tahay arrimaha fashilyey komishankii hore ee guuldaraysatay ka dibna la kala diray, arrimahaasi sideed u aragtaa?

j. Hay’adahayaga soo magacaaba xubnaha komishanka sida madaxweynaha iyo axsaabta mucaaridka waxa muhiima inaanu soo magacawno komishan qaranka u adeega oo dalka iyo dadkana gadhsiin kara xilka doorashooyinkana ka fogaano in loo eego qabiil qof jeclasi iyo maslaxad gaar ah, balse ay muhiim tahay inaanu u eegno u adeega iyo u tudhista  dal ka iyo dadka waxaanan rajaynayaa inaanu ku wada camal fali doono xilka qaranka ee  na ga saaran soo magacaabida komishan doorasho oo dalka gaadhsiiya doorasho ku  hirgas ha xor iyo xalaal iyo xasilooni. Anagu umaanu eegin xubnahan aanu soo magacawnay beel iyo deegaano gaara, balse waxaanu u eegnay aqoon, ammaano xafid iyo xil gudashada wajibaadka hirgelinta doorashooyinka, hadaan si weyn looga fiirsan xulashada xubnaha komishanka doorashooyinka oo lo xil sarayo gudashada waajibaad qaran ma soo baxayo komishan xilkiisa ka soo baxa.

S. Labadii xubnood ee aad hore ugu magacawdeen komisahnka doorashooyinka la kala diray oo ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo bariga Sanaag hada labadan xubnood ee aad magacawdeen ma waxay ka soo jeedaan Awadal iyo Sanaag bari mise gobollada kale ee dalka ayay ka soo jeedaan?

J. (qosol) anagu beel iyo gobol gaara toona umaanu eegin xubnaha aanu magacawnay, balse waxaanu u eegnay xilka u adeega qaranka ee ka saaran xilka komishan ee aanu u magacawnay oo aanu u aragnay inay yihiin xubno ku haboon oo xilkaasi ka soo bixi kara. Gudoomiyaha golaha guurida Saleebaan Maxmuud Aadan oo ka cudur daartay inuu magac dhabo magacyada labada xubnood ee ay magacaabeen ayaa hadana waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in musharaxiin badan oo iyagu CV-yadooda u gudbiyey golaha guurtida maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa ka mid ah xubnahaasi loolanka ugu jiray labadaas jago xubno ka soo kala jeeday deegaanda Sanaag bari, Sool, Awdal, Saylac iyo gobolka Hargeysa waxana ka mid ahaa xubnahaasi codsiga musharaxnimo soo gudbistay sida wararka ku dhowdhow golaha guurtida ay tibaaxeen C/raxmaan Siciid Xuubay, Cali Cali, Cismaan Cabdi Cilmi, Axmed Xasan Coofle, Cabdi Siciid Faahiye, Cabdill aahi Xasan, Xasan Siciid Yuusuf iyo Cabdi Cali .

waxaanay ilo u dhowdhow shirgudoonka guurtidu ay noo  tiba axeen in labada xubnood ee shirgudoonka guurtidu ay  magacaab een ayaa ilo  wareedyadu ay sheegayaan inay yihiin nin lagu magacaabo Xasan Siciid Yu usuf iyo Maxamed  Cadaan weyne, waxaanay dad badani magacaabista xubnahan ay u arkeen mid baalmarsan heshiiskii lagu galay in komishan doorashooyin oo tayo leh la soo magacaabo, iyadoo ay dad badani u arkaan in magacaabista xubnahan ay ka soo horje edo heshiiskii la iskula gaadhay in saddexda xisbi ay soo magacaabaan xubno  dhex  dhex aad ah oo gudan kara waajibaadka hirgelinta doorasho si xor oo xalaala dalka uga  dhacda waxaanay dadka qaarkii ay dureen aqoonta iyo dhexdhexaadnimada labadan xubnood ee guurtidu  magacowday, oo iyaga la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamadii NSS-tii Siyaad Barre laguna tilmaamay inaanay aqoon iyo waayo aragnimada ku xidhan shuruudaha qabashada xilka komishan ee loo magacaabay, iyadoo xubinta Mr. Cismaan Cabdi Cilmi (Raabbi) lagu  shee gay inuu ka tirsan yahay xisbiga Udub ee talada dalka haya taasina ay baalmarsan tahay shuruudaha uu xeerka komishanku uu ku waajibinayo in qofka loo dooranayo komishanka doorashooyinka uu noqdo mid dhexdhexaad ka ah xisbiyada siyaasada, kana mid ahayn saddexda xisbi qaran isla haysto shahaado aqoon heer jaamacadeed ah.
 



Source:Haatuf