Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur
Guddoomiyaha guddida diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegey in tirada saxda ah ee iska diwaangelisey gobolka Awdal ay tahay 133,868 qof, balse aaney aheyn sidii uu shaley ka sheegey shirka jaraa’id 180 kun , taasi oo uu ku tilmaamey in ay aheyd khalad mad-bici ah oo ka dhacey xafiiska tirokoobyada. Guddoomiyaha oo ka hadlayay
shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtey xafiskiisa isaga oo daba socda
khaladkaasi waxa uu yidhi,“Tiro koobkii aan sheegay shalay ee aan
siiyay saxaafada tiradii aan rasmiga ahayn ee aan ku sheegay inay
iska diiwaan gelisay Gobolka Awdal oo ahayd 180 kun, waxay ahayd
khalad madbici ah oo ka dhashay xafiiska tirokoobyada ee diiwaan
gelinta.
|