Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbi ga WA DDANI oo
la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Washington-DC
Washington-DC (TNN):-Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Washington,
Virginia iyo Maryland ayaa xalay casho sharaf u samaysay weftiga ka
yimi Somaliland ee uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
S omaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Xafladdan oo
ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa isu keentay dadweyne kala
duwan oo metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool
gobollad aas, waxaana khudbdo goobtaas ka jeediyey weftiga ka socday
Somaliland oo xog waran ka siiyey xaalad da dalka. Ugu horrayn waxaa
weftiga soo dhoweeyey Jamaal Axmed Dharoor Guddoomiyaha Jaaliyadda
S omaliland ee gobolladaas, wuxuuna xafladda ka sheegay in
Jaaliyaddoodu ay ku faraxsan tahay inay mark ii labaad soo dhoweeyaan
wefti ka socda Somaliland iyaga oo hore casho sharaf ugu sameeyey
Guddoom iyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Jamaal oo ku hadlayey afka Jaaliyadda ayaa sheegay inay iyagu ka
madax banaan yihiin siyaasadda iyo taageerida Xisbiyada, hase
ahaatee ay diyaar u yihiin inay soo dhoweynta kala qayb galaan
masuul kasta oo ka socda Somaliland oo safar ku yimaadda Maraykanka.
Waxaa xafladdaas hadal aad u qiima badan ka jeediyey qaar ka mida
xubnaha weftiga. Xildhibaan Cabdulq aadir Jirde oo ah ruug caddaan in
ka badan 19 sano ku soo jiray golaha wakiillada ayaa fahfaahin ka
bixi yey xaaladaha dalku ku sugan yahay iyo doorka qurbe joogtu ka
qaadan karto, wuxuu kale oo ku dheera aday shaqda baarlamaanka haatan
hortaalla.
Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in golaha wakiilladu ay
diyaar u yihiin inay doorasho galaan, hase ahaatee ay tahay in shaqo
badan la qabto, ka hor doorashada, wuxuu si gaar ah sharaxaad uga
bix iyey arrinta la xidhiidha saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.
Xildhibaan Jirde ayaa sheegay, inay boo qdeen gobollada dalka isla
markaana macluumaadkii ay ka soo ururiyeen ay ka soo baxday in
arrinta saa mi qaybsigu ay ka weyn tahay talo ay gaadhaan labada Gole
baarlamaan hase ahaatee ay tahay arrin u baahan talo qaran, wuxuuna
sheegay inay taladaas u gudbiyeen Madaxweynaha. Nuura Axmed Weris oo
ah Wakiilka Xisbiga Waddani ee Virginia, Maryland iyo Washington oo
weftigani marti u ahaa ayaa sheeg tay inay si weyn ugu faraxsan tahay
inay gobolkeeda ku soo dhoweyso Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,
waxayse Nura ku dheeraatay in shacabka Somaliland ay u taallo hawl
qaran oo ka gun-dheer taageerada Xisbiyada.
Nuura ayaa tusaale u soo qaadatay kulan ay la yeesheen Wasaaradda
Arrimaha Debedda Marayanka, ta as oo ay uga soo baxday inuu hooseeyo
xidhiidhka shacabka Somaliland ee ku dhaqan Maraykanku ay la
leeyihiin wasaaradda Debedda, waxay ugu baaqday dadka reer
Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka ina y dedaal u galaan sidii
dawladda Maraykanka ay uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda
Somaliland.
Ugu dambayn waxaa goobtaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada Somaliland ahna Gudd oomiyaha Xisbiga Waddani Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Guddoomiye Cirro ayaa
sh araxaad dheer ka bixiyey xaaladda Somaliland ee haatan iyo weliba
arrimaha ay kala hadleen dawladda M araykanka, wuxuuna Guddoomiyuhu
iftiimiyey in si weyn loogu baahan yahay in bulshada Somaliland ay
d oor ka qaadato dardar gelinta aqoonsi raadinta Somaliland.
Guddoomiye Cirro ayaa goobtaas lagu weydi iyo suaalo kala duwan oo
jaaliyaddu u qabtay, isaga oo suaalahaas uga jawaabay dadweynaha.
|