Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdil aahi (Cirro) ayaa sheegay in marxalada taagan ee dalku marayo lagaga badbaadi karo doorashada oo dhacda iyo in distoorka xeerarka dalka u yaala shuruucda lagu dhaqmo loona hogaansamo, isagoo intaa ku daray in maaraynta khilaafaadka dalka ka oogani uu yahay arrin u taala goleyaasha baarlamaanka, waxaanu dhinaca kale madaxweyne Rayaale iyo labada musharax ee jagada madaxweynaha uga sharaxan xisbiyada kulmiye iyo UCID ugu baaqay in kulan toosa ay iskugu yimaadaan.

Waxaanu guddoomiyaha golaha wakiiladu Md: Cabdiraxmaan Cirro uu sidaas ku sheegay waraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay go’aankii golaha wakiiladu ay ka soo saareen fadhiyada wada jirka iyo fadhiyada gaar gaarka ahba.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayo xaalada guud ee uu dalku marayo iyo xidhiidhka ka dhexeeya madaxweyne Rayaale iyo golaha waxa uu u dhacay sidan:

S: Sideed u aragtaa xaalada guud ee dhinacyada siyaasada ee uu xilligan dalku marayo iyo duruufaha ku gadaaman dib u dhaca doorashada madaxtooyada ?

J: Runtii waxaynu ku jirnaa maraxalad loo diyaargaroobayo doorashooyin caalamkuna rumaysanyahay inaynu ka gudbi doono geedi socodka haddii aynu ka gudubno maraxlada doorasho ee inagu soo foolehna caalamku waxa u qaba in geedi socodkeenii dawladnimo u dhimaystiri doono insha allaahu khilaafaadka jirana waa laga gudbi doonaa.

S: Go’aankii golaha wakiiladu ka soo saareen 21 kii February in golayaashu ay fadhi wada jira ka gaasheen cida sababta xilgudasho la’aanta dibu dhaca doorashada madaxtooyada leh, taas oo la sheegay in shirgudoonka golaha Guurtida u gudbiseen go’aankaasi wax daba gala ma ku samayseen halkeebuuse ku dambeeyey ?

J: Wixii goluhu go’aan ku gaadho go’aan gole ayuu noqonayaa, runtii inkasta oo aan xilliga safar ugu maqnaa dibadahana go’aankaasi goluhu gaadhay meelihii ku haboonaa ayaa loo gudbiyey, arrinkaasina wakhtiga uu ku haboon yahay iyo daba galkiisana golaha ayaa iska leh, waxaanse hadda kuu sheegayaa uun in go’aaankaasi meelihii ku haboonaa loo gudbiyey fadhiyada wada jirka ee labada gole ee baarlamaankana distoorka qaranka ayaa tilmaamaya.

S: Asxaabta mucaaridku dhamaadka mudadii sharciyada ee sanadka ahaa ee xilka loogu kordhiyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku eeg 6-da april waxay soo jeediyeen in labada gole ee baarlamaanku ay fadhi gole ee baarlamaanku ay wada jira ka yeeshaan cidii mudadaasi dalka doorasho gaadhsiin lahayd arrinkaasi sideed u aragtaa ?

J: Horta distoorka qaranku wuxuu qeexayaa in fadhiyo wada jira ay goleyaasha baarlamaanku wada yeelan karaan, wada tashigana ama golaha guurtida ha noqdaan ama wakiilada iyo gole kale hanoqotee distoorka qaranku wuxuu tilmaamayaa in arimaha qaranka wada tashi laga yeesho in xaalada dalku ku jiro wada tashi qaran laga yeeshaana golayaasha kale ee qaran laga yeeshana goleyaasha kala ee qaranka ayaanu kala mid nahay

S: Shirguddoonka golaha Guurtida ma kala hadasheen go;aankii fadhiga wada jirka ee labada gole xaalada dalkana maysaga timaadeen labadiin shirgudoon ?

J: Maya si gaara isgana maanu arag labadayada shirgudoon.

J: Bal tilmaan qaabka aad leedahay wada tashi qaran ah ha looga yeesho khilaafka cakiran ee dalka ka aloosan ?

J: Xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro ee aad tilmaantay waxaan qabaa in wada tashi qaran lagaga bixi karo waxaynu hore usoo aragnay in saddexda xisbi qaran ay wada tashi ka yeeshaan xaaladii hore oo wax ay isla soo meel dhigeen iskana soo raaceen heshiis waxan qabaa in asxaabtu wada tashi isugu iman karaan, haddii laga balaadhinayana qaranku ka tashan karo, haddii goleyaashiisa hala isticmaalo ama dariiqooyinkii kale ee Somaliland ka soo caana maashay ha la isticmaalee.

S: Sidee buu xidhiidhka idinka dhexeeyo madaweyne Rayaale oo marar dhawra qardoofoyin idin dhexmareen adiga iyo golahaba sidee buu hada yahay xidhiidhka xukuumaddu?

J: (Qosol dhoola cadayna ka dib), hadaad aniga iyo madaxweyneha shakhsiyan u tilmaamaysana ma xuma xidhiidhkayagu, hadaad golaha iyo madaxweynaha wadashaqayntooda tilmaamaysana wada shaqayn fiican ayey madaxweynaha iyo goluhuba wada leeyihiin.

S: Maadaama ay asxaabtii mucaaradkuna taagan yihiin marka la gaadho 6-da april in madaxweynaha mudadii ka dhamaatay madaxweyne Rayaalena uu u taagan yahay madaxweyne lasoo doorto ayuun baa I bedeli kara arinkaasi miyaanu qaranka xaalad halis galin Karin sideedse u aragtaa xalka kaliya ee lagaga badbaadi karo dibu dhacan doorashada mawqifyadaa adag ee ay kala taagan yihiin?

J: Horta komishanka doorashooyinka ayuu xilka ugu wayni saaran yahay in doorasho qabsoonto, waxaan qabaa in komishanka doorashooyinku uu dadaal muujiyo goleyaasha qaranka dhamaantoodna ay gacan ka siiyaan Komishanka madaxweynaha iyo labada musharax ee asxaabta mucaaradkana waxan usoo jeedinaya inay kulan toosa oo is arag ah oo wada hadala ay yeeshaan, golayaasha baarlamankana waxaan ku guubaabinayaa in waajibaadka inaga saaran xalinta khilaafaadkaa iyo badbaadinta qarankuba uu yahay arrinkaasi ama golaha wakiilada ee ay ogaadaan in xeeladaasi ay tahay arin iyaga u taala waxa kaloon qabaa in qaranku ku badbaadayo in doorasho dhacdo, waxa kale oo qabaa inqaranku ku badbaadi karo distoorka xeerarka dalka u yala iyo shuruucda inoo degsan inaynu ku dhaqano oo aynu tixgelino.

S: Ma waxaad leedahay xaalada uu dalku ku jiro ee ay asxaabta mucaaridku usoo riixeen goleyaasha baarlamaanku inay go’aan ka qataan marxalada dalku ku jiro, ha la sal balaadhiyo ?

J: Arrintaasi talo soo jeedin qaranka u yaala ayey ka mid tahay balse hadba talaabadii lays yidhaa qaran ku wuu ku badbaadayaa ayuun baa la qaadi doonaa.

S: masuuliyiinta komishanka doorashooyinka wax kulana ma kala yeelateen hawlaha doorashooyinku hal ka ay u maraayaan ?

J: Guddoomiyaha komishanku xafiiska ayuu noogu yimid had iyo jeerna waxaanu jecelnahay inaanu macluumaadka ka helno halka ay hawsha diyaargarowga doorashadu u marayo komishanka iyo hay’ada interpeace waxay noo sheegeen in hawlihii diyaargarowgu meel fiican u marayaan.

S: Sideed u aragtaa xidhiidhka baryahan dambe dhexmaray masuuliyiinta xukuumada Somaliland iyo madaxweynaha jabuuti ismaacil Cumar Geelle ?

J: Horta arrintaasi waxay ku haboonayd wasaarada arrimaha dibada balse waxaan qabaa in xidhiidhka Somaliland iyo dalalka la dariska ahi uu wanaagsanaado oo aan u arko in danta Somaliland ay ku jirto in xidhiidhka dawladaha dariska la xoojiyo.

S: Wasiirka Maaliyadu waa kii ka baaqday fadhigii daraad ee golaha inoo horyimaado goluhuna waa kii go’aan gole ku horjoogsaday in wax su’aalo ah la waydiyo wasiir ku xigeenka iyo saraakishii kale ee la socotay ee golaha hor yimid wasiirka maaliyada wax jawaaba ma ka soo bixiyey dalabkii golaha ?

J: Wasiirka maaliyadu fadhiga maanta ayuu golaha hor imanayaa arinkaa go’aan gole ayuu goluhu ku ansixiyey
 

 

 


Haatuf