Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo ku Baaqay in si Degdeg ah loo Joojiyo Colaada Dagaal ee Degaanka Ceelbardaale

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda dagaal ee ka aloosan meesha la yidhaa Buqdhada oo ka tirsan degaanka Ceelbardaale ee Gobolka Gebilay, kadib markii shalay koox dablay ahi weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen rag la sheegay nay beer ka shaqaynayeen ku dileen laba nin ugu yaraan sideed kalena ku dhaawacmeen.

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa waxa uu ka dalbaday beelaha degaankaas wada dega inay damiyaan colaada dagaal ee aloosan, isla markaana joojiyaan gurmadka iyo colka la wado.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu ka digay dagaal sokeeyo oo ka dhexqarax beelaha walaalaha, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan iyaga iyo qaranimada Somaliland midna dan u ahayn, sidaa daraadeedna uu u soo jeediyey beelahaas inay nabad ku soo dabaalaan degaanka.

“Waxa beryahanba isku horfadhiyey jiida degaanka Ceelbardaale laba beelood oo reer Awdal iyo reer Gabiley ah, colaadina ay ka dhex aloosan tahay, waxaan magaca ummadda somaliland iyo ka Golaha Guurtidaba idinkaga codsanayaa in gurmadka iyo colka la joojiyo, nabadna lagu soo dabaalo degaanka. Maanta dantiina iyo ta qaranka midna maaha in laba beelood reer Somaliland ah dagaal uu ka dhex aloosmo, maantana (shalay) waxa dhacay dil iyo dhaawacba, markaa waxaannu ka baryeynaa labada beelood inay colka joojiyaan nabad iyo xasiloonina ay ku soo dabaalaan degaanka. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada raggii geeriyooday maanta, kuwo dhaawaca ahna waxaannu Ilaahay uga baryeynaa caafimaad degdeg ah,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu ugu baaqay Wasaaradda Daakhiliga inay ciidammo nabadgelyo si degdeg ah degaankaas colaadu ka aloosan tahay ugu dirto, isaga oo sheegay inay gole ahaan iyaguna si dhakhso ah wefti nabadgelyo oo beelaha dhexgala u dirayaan.

Isaga arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xukuumaddaba inay ciidammo nabadgelyo degdeg meesha ugu dirto, annaguna Guurti ahaan waxaanu dhakhso u diraynaa wefti dhexgala arrinta nabaddana idin kala shaqeeya oo dhexdhexaadin qabta.”

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa isna ku baaqay in la joojiyo oo laga hortago colaad dagaal sokeeya dhalisa oo beelaha walaalaha ah ee degaanka Ceelbardaale wada dega dhexmara.

Afhayeenka xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen (Codyare) oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya, ayaa masuuliyadda rabshada dhimashada iyo dhaawaca dhalisay ee shalay ka dhacday degaanka Ceelbardaale ku eedeeyey xukuumadda iyo Baarlamanka oo uu sheegay inay xilkoodii gabeen oo ay waxba ka qaban waayeen colaadaas oo muddo soo jirtay.

“Xisbiga UCID isaga oo aad uga naxsan, ugana tiiraanyeysan dagaalka maanta (shalay) ka dhacay degaanka u dhexeeya Gabiley iyo Degmada Baki, kaas oo dhimasho iyo dhaawacba geystay, una dhexeeya beelaha casabada, wadadhalashada iyo noloshaba wadaaga.

Xisbiga UCID wuxuu arrintan ku cambaaraynayaa xukuumadda iyo golayaasha Baarlamanka oo ka gaabiyey xilkoodii, muddadana dhawaaqa saansaanta colaadeed dhegaynayey. Waxaannu xisbigu ka cosdanayaa beelaha labada dhinac inay xakameeyaan colaadda uraysa, si looga hortago dhimasho iyo khasaare kale,” ayuu yidhi Md. Codyare.

Afhayeenka UCID waxa uu ugu baaqay golayaasha Baarlamanka, xukuumadda, waxgaradka iyo hoggaamiyo-dhaqameedka inay si dhakhso ah uga hawlgalaan joojinta colaad sokeeye oo degaankaas ka dhalatay, isaga oo soo jeediyey xiisadan cidii ku lug yeelata tallaabo sharci ah laga qaado.


 

 


Jamhuuriya Online