Guddoomiyaha
Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Shaaca ka qaaday inay Qaban Doonaan Shir
aan Caadi ahayn Hadday Fashilmaan
Wadahadallada Socdaa
“Haddii wadahadalka la isku afgarto waa arrin fiican, haddii lagu
kala kacana Golaha Dhexe ayaanu isugu yeedhaynaa oo shir aan caadi
ahayn ayaanun qaban doonaa”Md. Jaamac Cabdillaahi Shabeel
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md.
Jaamac Cabdillaahi Shabeel, ayaa shaaca ka qaaday in xubno soo
gudbiyey mooshinka ay ku dalbanayaan in la qabto shirweyne aan caadi
ahayn magacyadooda ay saxeexeen oo dhammaantood ka tirsan yihiin
Golaha Dhexe ee KULMIYE, isla markaana uu mooshinkaas ansax yahay.
Guddoomiye Jaamac Shabeel oo xalay Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka
telefoonka waxa uu sheegay in mooshinkaas maray sifihii sharciga
ahaa, magacyada ku saxeexanna oo tiradoodu gaadhayso lixdan xubnood
ansax yihiin.
Md. Jaamac Cabdillaahi Shabeel oo aannu waydiinay maadaama magacyada
mooshinka ku saxeexan ansax yihiin waqtiga ay qaban doonaan shirka
aan caadiga ahayn ee xubnaas mooshinkooda ku dalbanayaan, waxa uu
xusay inay ka dhursugayaan waxa ka soo baxa wadahadallada u socda
dhinacyada uu u dhexeeyo khilaaafka ka dhashay natiijada ka soo
baxday shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ku qabsoomay magaalada
Burco.
Isaga oo oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Xubnaha tiradoodu
gaadhayso lixdanka ee ku saxeexan mooshinka magacyadoodu waa sax,
iminkana waxa socda oo aannu ka dhursugaynaa wadahadallada u socda
dhinacyada KULMIYE ee khilaafku u dhexeeyuo, wadahadalladaas ayaanu
ka dhursugaynaa waxa ka soo baxa markaa haddii wadahadalka la isku
afgarto waa arrin fiican, haddii lagu kala kacana Golaha Dhexe
ayaanu isugu yeedhaynaa oo shir aan caadi ahayn ayaanun qaban doonaa,
mooshinkana Golaha waannu horgeyn doonaa.”
Lixdan xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE ayaa hore ugu
gudbiyey shirguddoonka mooshin ay ku dalbanayaan in la qabto
shirweyne aan caadi ahayn, iyaga oo gudbinta mooshinkana u cuskaday
qodobka 30aad ee distoorka xisbiga KULMIYE oo qeexaya in 30 xubnood
oo ka tirsan Golaha Dhexe ay soo jeedin karaan shirweyne aan caadi
ahayn oo la isugu yeedho Golaha Dhexe.
Mooshinka ay lixdankan xubnood gudbiyeen waxay ka dambeysay markii
khilaaf ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu qabsoomay
magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, iyada oo isla markiiba la
bilaabay waan-waan khilaafka lagu xallinayo, taas oo ilaa hadda
socota oo maantana ay labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo u
ballansan yihiin kulan khilaafka jira lagaga wada xaajoonayo, iyada
oo dhinac kastaaba mawqif adag wato.
Source: Jamhuuriya Online
|