Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo mudeeyay Shirkii Golaha
Dhexe ee Kulmiye bisha 11/April/2013

Qoraalka uu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye soo saaray
oo uu ku socodsiiyay Xogahayaha Golaha .....
Hargeysa (TNN)- Guddoomiyaah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaaac
Ismaaciil Shabeel ayaa manta soo saaray qoraal uu Xoghayaha golaha
dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku amrayo inuu baahi yo maalinta
shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga la qabanyo oo uu u asteeyay
11/April/2013 si waafaqsan dastuurka Xisbiga oo dhigaya Bil ka hor
in la iclaamiyo qabsoomida Shirka Golaha Dhexe.
Qoraalka uu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye soo saaray
oo uu ku socodsiiyay Xogahayaha Golaha Dhexe isla markaana uu
Ogeysiin siiyaya Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulin ta, Guddida
Diiwaangelinta Ururrada iyo Xisbiyadda Siyaasadeed iyo Madaxweynaha
Jamhuuriy adda Somalliland waxa ay u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: isugu yeedhis Shirkii Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee
Xisbiga Kulmiye
Markaan arkay: Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer
N0: 14/2011 qodob kiisa 25aad faqradiaisa 1aad oo u dhigan sidan:
“ Xisbiyada qaran ee doorasahada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan
maamul-wanaag iyo Dimuquraadiyadda dhexdooda ah, waana in awoodda
loo simanyahay talada xisbigana waa in markasta lagu go’aan qaataa
qaabka uu dhigaayo xeer hoosaada”
Iyo isla qodobkiisa 25 aad faqradiisa 3aad oo u dhigan sidan:
“ shirka Xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba hal
mar waxaana la baahinaya a 30 casho ka hor”
Markaan arkay: Qodobka 30aad faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga
kulmiye oo u qoran sidan:
“shirka golaha dhexe ee xisbiga waxa la qabtaa sanadkiiba hal mar”
Markaan arkay: Qodobka 9aad faqradiisa 1aad xeer hoosaadka golaha
dhexe ee xisbiga kulmiy e oo u qornaa sidan:
“ugu yaraan bil ka hor taariikhda uu qorshaysan yahay shirka caadiga
ah ee golaha dhexe, ayu u gudoomiyaha golaha dhexe amrayaa xoghayaha
golaha dhexe inuu war-baahinta ku faafiyo maalinta iyo goobta lagu
qabanayo shirka caadiga ah ee golaha dhexe”
Markaan yaqiinsaday: Qodobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga Xarafkiisa
(K) oo sheegaya in had dii shirweynaha xisbiga dib u dhac ku yimaado
ay hay’adaha kala duwan ee Xisbigu xilka hayna yaan inta shirweyne
ka qabsoomayo, isagoo u qoran sidan:
“mudada shirweynaha xisbiga dib loo dhigay waxa xilka xisbiga sii
haynaya Guddoomiyaha xisbi ga, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee
xilka haya”
Markaan yaqiinsaday: in shirkii golaha dhexe ee caadiga ahaa uu ka
soo wareegay sanad kaas oo qasoomay 14-14 April 2012.
Hadaba Mudane Xoghaye aniga oo ka duulaya qodoabadaa aan kor ku soo
sheegay khasabna inagu tahay inaynu fulino Xeerarka qaranka iyo
xisbigaba u yaala taasoo la inagula xisaabtma yo haddii aynu sidooda
u gudan weyno, waxaan ku farayaa inaad golaha dhexe ee Xisbiga gaa
dhsiiso in shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe la qaban doono
11/April/2013 laguana qaban d oono
magaaladda Hargeysa gaar ahaan
Ambasaddor Hotel.
Sidoo kale waxan la socodsiinayaa
dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan shirkaa oo
dhici doona taariikhda kor ku susan.
Allaa Mahad Leh
Jaamac Ismaaciil Shabeel
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye
|