Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland oo ka Waramay Wax-qabadkooda, Isla Markaana Gaadiid ku Wareejiyey Affar Gobbol

Gudoomiyaha ururka bisha cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal ayaa ka waramay waxqabadkii ururka ee sanadkii 2008, waxaanu sheegay in ay lixda gobol ka fuliyeen xarumo caafimaad,waxa kale oo ururku qabtay xarumo lagu dhaqo naafada, waxaanu xusay in sanadkii tagay ay hirgaliyeen mashruuca fayo dhowr-ka biyaha oo ka socda afar gobol. Gudoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad uu ku wareejinaayay gaadiid ay ugu talo galeen in ay ka shaqeeyaan xarumaha gobolada ee ururka bisha cas, waxaana la gudoon siiyay gobolka Sanaag bari iyo SooL. Waxaanu gudoomiye Bakaal ka waramay wixii u qabsoomay sanadkii ina dhaafay,waxaanu yidhi “Ururka bisha cas waa urur wadiniya ilaa markay soomaliland xoriyadeeda la soo noqotay dalka ka jiray, mudadii uu ururku jiray talabooyin badan ayuu qaaday oo umada wax badan u qabtay, ururku sida aad ogtihiinba lixda gobol wuu ka shaqeeyaa, halkan waxa fadhiya labada gudoomiye ee sool iyo sanaag bari.

Ururku gobolada oo dhan waxa uu ku leeyahay guryo iyo gaadiid uu iska leeyahay, waxa uu ururku qabtay xarumo caafimaad oo ka fuliyay gobolada iyo dagmooyinka, waxa kale oo aanu samaynay xarumo dhaqanta naafada ah oo lugaha loogu sameeyo. Markaa hawlaha ugu badan ee ururku qabto waxa ka mida caafimaadka. Waxaanu ururku fan gareeyaa 12 xarumo caafimaad oo dalka ah, waxaana socda mashruuca faya dhawr-ka biyaha oo aanu ka wadno afar gobol oo ka mida gobolada soomaliland. Mashruucaas waxa naga caawisa laan qayrta cas ee jarmalka, waxaanu socday lix sanadood, laba sanadood oo kamida waxa uu ka socday lixda gobol ee Somaliland, afar sano-na waxa uu ka socday afar gobol oo kaliya.

Ururka bisha cas ee Somaliland maaha urur isagu wax haysta ee waxa caawiya laan qayraha cas ee caalamka. Waxaan idin sheegayaa gaadiidka inta aad halkaa ku aragteen oo kaliya maaha, waxa jira gaadiid soo socda iyo qaar noo yimid waxaana loogu talo galay xarumaha caafimaad ee gobolada soomaliland. Sanadkan waxaanu ka faa’iidaysanay lacagtii u soo hadhi jirtay laan qayraha cas 90% aanu galinay Somaliland, waxaana sanadkaa soo iibsanay todoba gaadhi, meelo badana waxaanu ka fulinay dhismayaal, waxaana ka mida ceerigaabo oo aanu u dhisnay xaruntii gobolka, gobolka sool-na caynabo waxaanu ka samaynay xarun caafimaad.

Hargaysa waxaanu ka qabanay cadaadlay iyo laa ‘ibaday, waxa kale oo aanu xarun caafimaad u samaynay Dila. Guud ahaan sanadkan wax badan ayaanu qabanay anagoo adeeg-sanayna haya’yadaha iyo laan-qayraha cas. Markaa gaadiidkan waxa leh gobolada dalka. Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururka bisha cas, gudoomiyaha gobolka sanaag Axmed Maxamed Xaashi iyo gudoomiyaha gobolka Laas-caanood Axmed Maxamed Warsame dhammaantood waxayna sheegeen in ay sanadkan dar dar galiyeen hawlaha ururka bisha cas, waxaanay in marka baabuurtan lagu wareejiyo ay si wanaagsan u daryeeli doonaan bulshadana ugu shaqayn doonaan
 

 

 


Waaheen