Guddoomiyaha Arrimaha Gudaha Guurtida Oo Sheegay In Wasiira da Maaliyada, Daakhiliga Iyo Hanti Dhawrku Ay Ba raarujiyeen Beeshooda Galbeedka Burco Iyo Axsaabta Mucaa ridk a

 

 


"Hanti-Dhawruhu Waxa Uu Natusay Liis Ay Ku Qoran Yihiin Cawil, Siciid Sulub Iyo C/Raxmaan Du'aale Iyo Bile, Xirsi Yare Waa Raysal Wasaare Qarsoon, Beesha Aan Ka Tirsanahay Hadda Way Is Urursanay saa"
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

Hargeysa, October 10, 2010 (TNN) - Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha ee golaha guurtida  xildhib aan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in wasiirada Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, Arimaha  guda ha Maxamed Cabdi Gaboose iyo hanti-dhawrka guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud  Dhe ere) ay kicinayaan beeshooda galbeedka Burco, isla markaana ay hurdadii ka toosiyeen xisbigii UDUB ee kaambayntii doorashada ku burburay, isaga oo intaa ku daray in Chief of Cabinate-ka  madaxtooya du uu yahay Raysal Wasaare qaran oo aanu sharciguna ogolayn.

Guddoomiye Obsiiye ayaa sheegay in hanti dhawrka guud ee Qaranku baadhista uu wado ay ku kooban tahay oo kaliya masuuliyiinta xukuumaddii hore ee ka soo jeeda beeshooda galbeedka Burco isagoo  w axaana uu Xildhibaan Obsiiye sidaasi ku sheegay mar uu u waramayey Wariye Maxamed Ibraahim  Sag ax waxa uu ku bilaabay hadalkiisa Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye "Waxaan halkan mahad balaadhan uga jeedinayaa wasiirada arimaha guddah iyo maaliyada Maxamed Xaashi, Gaboose iyo hanti dhawrka guud ee qaranka iyaga oo u shaqaynaya si xilkasnimo ah ayay hadana dad sida dambaska u ramaaday ay toosiyeen oo ay kiciyeen waa labada xisbi mucaarid iyo beesha aan ka tirsanahay ee galbeedka  Bu rco, si wanaagsan ayay hurdadii ugu toosiyaeen waxaanan u arkaa niman diiriyeyaal ah" Mar la  waydii yey waxa uu uga jeedo Diiriyeyaasha masuuliyiintaasi waxa uu ydihi "Waxaan uga jeedaa dadka qaar kaambaynkii doorashada ayay ku burbureen oo waxa kow ka ah xisbiga Udub nimanka la baadhayeyna waxa ay u badnaayeen beeshayada iyo xisbiga Udub, anagu beel ahaan waanu kala tagnay oo  siyaasa da waanu ku qaybsanay laakiin hadda waxa aad moodaa inay beeshayadii kala tagtay isku soo  ururiye en oo ay is urusanayaan, Udubtiina ay siyaasadeedii kabkabayso hadda"

Mar la waydiiyey waxa beesha galbeedku ay isku urusanaysaa inay tahay colaad iyo in kale waxa uu  y idhi "Colaad aanu isku urursanaynaa ma jirto, laakiin kala tagii beesha ayaa laga arisanayaa oo dib ayay isku dhisaysaa beeshayadu"

Mar sidoo kale la waydiiyey asbaabaha ay u diidan yihiin in masuuliyiintii xukuumaddii hore la baadho, m aadaama hanti qaran lagu eedaynayo waxa uu yidhi "Haday Somaliland kala mid yihiin baadhista la  sa maynayaa ma diidanin, haddiise ay xukuumadda cusubi masuuliyiinta galbeedka Burco oo kaliya ay baadhayso adiguba maxaad u arki lahayd" Waxa kale oo la weydiiyey Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye maadaama uu sheegay in hantidhawrka qaranku ay baadhayaan masuuliyiinta xukuumaddii hore oo dhan waxa uu qiil uga dhiganayo masuuliyiinta beeshooda iyo in la odhan karo marmarsiiyo waxa uu yidhi isaga oo arintaa ka hadlayana "Lix qof ayaanu ugu tagnay hanti-dhawrka guud ee qaranka waxa uu natusay Liis ay ku qoran yihiin afar nin oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee maaliyada Cawil Cali Ducaale, hawlaha guud Siciid Sulub, guddoomiyihii hore ee Baanka C/raxmaan Ducaale iyo xisaabiyihii hore Mr. Bile oo uu noo sheegay in baadhistu iyaga ku wajahantahay",

mar la waydiiyey sida ay golohooda guurtida iyo isaguba ay u arkaan xilka chief of cabinetka  madaxt ooyada ee madaxweyne Axmed Siilaanyo magacaabay ee tafsiirkiisa muranku ka taagan yahay waxa uu yidhi "Dee Xirsi Yare waa Raysal wasaare qarsoon, magac kale oo lagu sheegana madaxtooyadu wayday haddii raysal wasaare lagu sheegayna sharciga iyo distoorku ma ogola nidaamkeenuna waa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen"

mar la waydiiyey in beeshooda galbeedku ay boodhka ka tumayso inay mucaaridad kala hor timaado  x ukuumadda Axmed Siilaanyo maadaama beeshooda lagu xaman jiray inay taageerto madaxweyne  Ray aale iyo xisbiga UDUB waxa uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlayana "Axmed Siilaanyo Mucaarid kuma nihin waxaanu leenahay adigu mucaarid ha naga dhigin oo hana quja qujaynin masuuliyiintaas aad  mag acawdayna waad ku mahadsan tahay sida ay u shaqaynayaan".


Source:Haatuf