WAR-SAXAAFADEED

 


 

Washington-DC (TNN):-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobollada Virginia, Maryla nd iyo Weliba Washington ahna guddoomiyaha guddida Anshax marinta ee Xisbiga Waddani laantiisa Maraykanka Marwo Nuura Axmed Weris ayaa ugu baaqay shaca bka reer Saaxil inay si weyn uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Saaxil.

Guddoomiye Nuura oo warsaxaafadeed ka soo saartay xafiiskeeda ku yaalla Caasima dda dalka Maraykanka ee Washington ayaa ku bilawday “Ugu horrayn waxaan shac abka reer Togdheer iyo Awdal aan ku hambalyaynayaa sida quruxda badan ee ay u ga qaybgaleen is-diiwaangelinta codbixiyayaasha, ilaahay ayaana mahadda koowaa d ee guusha iska leh. Haddii meertadu soo gaadhay gobolka Saaxil, waxaan ugu baa qayaa shacabkayga inay u kacaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, aniga oo rajo ba dan ka qaba inaynu muujin doonno miisaanka codkeenu leeyahay. Waxaan filayaa in shacabka reer Saaxil ay u oomman yihiin isbedel maamul iyo inay helaan xukuumad fahansan baahiyahooda iyo miisaanka ay qarankan ku leeyihiin, haddaba waxaan ugu baaqayaa shacabka Saaxil in xilligan la gaadhay wakhtigii ay codkooda ku muujin lahaayeen mustaqbalkooda siyaasiga ah, si taasi u suuro gashona waxaa muhiim ah in shacabka reer Saaxil is-diiwaangeliyo” ayay tidhi.


Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobollada Maryland, Virginia iyo magaalada Was hington ayaa u soo jeedisay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka saaxil inay shaca bka ka gacan siiyaan sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen “Masuuliyiinta kala duwan ee ku sugan gobolka Saaxil, waxaan xasuusin lahaa inay xilligan iska dhaafaan kala ara gti duwaanshaha dhex yaalla, isla markaana ay guntiga dhiisha iskaga xidhaan sidii ay shacabka ugu fududayn lahaayeen diiwaangelinta, waxaad ogaataan qofkii is diw aangelin waaya inuu yahay cod innaga khasaaray” ayay tidhi.


Nuura Axmed Weris ayaa hadalkeeda ku soo geba gebaysay “Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa laga hayaa …Reer Saaxil waxaa lagu xasuusan doonaa doorka ay ka soo qaate en dhismaha Qarankan, iyo miisaanka ay ku leeyihiin… waa dhab oo qarankan miisa an ayaad ku leedihiin, waxaad tihiin dhab laf-dhabarta dhaqaale ee qarankan, iyo ho oyadii dalkan laakiin waxaan idin xasuusinayaa inuu misaankiinu ku xidhnaan doono hadba tirada dadka iska diiwaangeliya gobolkiina.” ayaa guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.



Nuura Axmed Weris
Guddoomiyaha Maryland, Virginia iyo Washington DC