Guddomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland Yuusuf Ismaciil oo Xilkii la wareegay, iyo qudbadihii laga jediyey xafladaasi

 


Hargeysa (TNN)-Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee Dastuuriga Garyaqaan. Yuusuf Isma aciil Cali ayaa si rasmi ugala wareegay guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sarre Dr. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane)

Xafladan xil wareejinta ayaa ka qabsoontay xarunta guud ee maxkamada sarre ee qaranka munaasi badan xilka lagula kala wareegayay ayaa wax ka soo qayb galay gudoomiyihii horre ee maxkamada qaranka gudoomiyaha cusub ee maxkamadaasi, garyaqaano, qareenno iyo waliba marti sharaf kale oo fara badan.

Waxana halkaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee maxkamada sarre Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomana) waxana uu sheegay in uu si toos ah ula shaqayn doono gudoomiyaha cusub ee maxkama da sarre, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “Xilka aan wareejinayaa waa xilkii maxkamada xilkii garso orka iyo xilkii waaxda,waxana aan xilkii maxkamada sarre ee qaranka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, intii aanu soo haynay waanu soo haynay ,xilka maalinba nin baa jooga, ceeb ma leh xilku, waxa weeye in qof laga qaado qof kalena loo waree jo ,waa in uu qofba mar hayo, waa in qofkii looga maarmi waayo la saaro xilka , waxaan balan qaada yaa inaan la shaqaynayo gudoomiyaha cusub wixii tallo iyo toosin ahba diyaar ayan ula ahay”

Waxa isna halkaasi hadal ka soo jeediyay Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sarre Mudane Yuusuf Ismaaciil cali, waxana uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay madaxweynaha jamhuuriyada Somalila nd waxaa uu yidhi “Waxan balan qaaadayaa inaan garsoorayaasha kula dhaqmo sida ay xeerka uto osiyaan , garsoorayaasha iyo xeerilaaliyayaasha waliba xeer ilaaliyaha guud ee uxilsaaran hawsha gudida cadaalada inaan kula xisaabtano shaqadooda uhufnaantooda iyo waliba daacadnimadooda iyo sida ay xeerka ugu dhaqmaan garsooraha is yeelyeelaya waan garanayaa iyo garsooraha sida wanaagsan ugudanay shaqadiisa labadaba waan kala garanayaa”



Source: Waaheen