Guddigii
Xeerbeegtiga ee Xallinta Khilaafka Kulmiye oo
soo Saaray Qoddobo ay Xal u Arkeen
Ergadii dhexdhexaadinta garabyada is khilaafsan ee xisbiga
mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa soo saaray go,aamo ay u arkeen inay
xal keeni doonaan, isla markaana lagu soo afjari karo khilaafka
muddada soo taagnaa.
Guddigan dhexdhexaadinta oo uu hoggaaminayo Abwaan Maxamed Xaashi
Dhamac Gaariye oo labadii toddobaad ee u dambeeyey ku hawlanaayeen
sidii loo soo afjari lahaa khilaafka hadheeyay xidbiga KULMIYE, ayaa
soo saaray go,aamo ay hordhigeen labada dhinac ee is haya, kuwaas oo
ergadu markii ay muddo ka baarandageen, isla markaana ay dhegaysteen
doodaha labada dhinac waxay soo saareen qoddobo, kuwaas sida ay
xalay Jamhuuriya u xaqiijieen ilo xog-ogaal ahi ay ka mid yihiin;
- In raaligelin la siiyo garabka uu hoggaaminayo Cabdiraxamaan Aw
Cali Faarax ee ka cadhooday natiijada ka soo baxday shirkii Golaha
Dhexe ee xisbiga ugu qobsoomay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
- In barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiga wax laga beddelo
- In la dheellitir lagu sameeyo Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE.
Qoddobadan oo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn mowqifyada ay ka
qaateen labada garab ee xisbiga KULMIYE, ayaa haddana sida ay
wararku sheegayaan waxay guddigu wadaan kulamo gooni-gooni ah oo ay
damacsan yihiin sida ay dhinac kasta ugu qancin lahaayeen qoddobada
ay soo saareen. Waxaanay Guddiga Dhexdhexaadintu xalay kulan gaar ah
la yeesheen garabka uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,
kaas oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii loogu qancin lahaa qoddobada
guddigu soo jeedisay.
Jamhuuriya Online
|