Guddiga Diiwaangelinta oo Digniin u Diray Ururrada Siyaasadda, Kana Hadlay Qorshe-hawleedkooda

 



Guddiga Diiwaangelinta oo Digniin u Diray Ururrada Siyaasadda, Kana Hadlay Qorshe-hawleedko oda


Hargeysa (TNN)- Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasadda Somaliland, ayaa digniin u diray ur urrada cusub ee lagu dhawaaqay iyo kuwa soo socdaba ee ku kaca dhaqdhaqaaqyo aannu sharci gu u fasaxin, waxaanay ugu baaqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay tallaabo ka qaado arrin taas.

Xubnaha Guddiga Diiwaangelinta oo shir-jaraa'id ku qabtay shalay magaalada Hargeysa waxa kal e oo ay ku sheegeen in aanay ilaa hadda aqoonsanayn ururro siyaasadeed, maadaama aanay we li wada marin nidaamkii diiwaangelinta ee lagu qiimaynayey.

War-murtiyeed guddigu soo saareen shalay oo lagu soo bandhigay qorshe-hawleedkooda iyo we liba shuruudaha horyaalla ururrada siyaasadda oo ay u cuskadeen qodobada sharci ee dastuuri ga ah iyo xeerka nidaamka ururrada iyo axsaabta siyaasadda oo uu halkaas ka akhriyey Afhayee nka Guddiga Mr. Xasan Macallin waxa uu u qornaa sidan:

"Hawlgalka geeddi-socodka furashada ururrada waxay maraaysaa saddex marxaladood;


1. Marxalada diiwangelinta

2. Maraxaladda hawlgalka

3. Marxaladda doorashada dawladaha hoose



Haddaba, halkan waxan ku cadaynaynaa saddexda marxaladood mid walba hawsha la qabanayo.

1. Maraxaladda diiwangelinta

Shuruudaha laga rabo cidda rabta inay isu diiwangeliso urur siyasadeed

* Urur kasta oo doonaya in loo diiwangeliyo urur-siyaasaded waa in uu ku soo qortaa arji foomka loogu talogalay, kuna soo hagaajiyo gudida, kuna lifaaqnadaan caddaymaha iyo qoraallada soo socda:-

* Goortii iyo goobtii uu ururku qabtay shirkii aasaaska ee ugu horreeyay.

* Liiska magacyada aasaasayaasha ururka iyo habkii loo doortay.

* Qaab-dhismeedka ururrada oo ay ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u qormayo marka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka.

* Caddayn bixin cashuurta diiwangelinta oo dhan 150,000,000 shillinka Somaliland ah.

Haddaba;

B. Cidda doonaysa inay isu diiwangeliso urur siyaasi ah waxa u bannaan inay qabsato shirkeedii aasaaska, mana samayn karto wax kale oo dhaqdhaqaaq iyo hawlgal siyaasadeed ah.

t. Ururka qaata foomka diiwangelinta, soona celiya iyagoo soo buux-buxiyay waxa u bannaan muddada lagu jiro diiwangelinta dhaqdhaqaaq iyo hawlgal xaddidan, taas oo ah inay furan karaan xafiisyadooda gobollada iyo degmooyinka, shirarkoodana waxay ku qabsan karaan xafiisyadooda gudahooda, lamana oggola inay sameeyaan olole siyaasadeed oo intaa ka baxsan.

j. Waxay qaadanayaan nuqul ka mid ah foomka ay soo buuxiyeen oo ay ku taalo saxeexa iyo shaambadda guddida diiwangelinta, iyaga oo la socodsiinaya maamullada gobollada, degmooyinka iyo ciidanka nabadgelyada.

Markay dhamaato marxaladan kowaad ee diiwangelintu oo ka bilaabmaysay markay ku dhawaa qday guddida diiwagelinta furitaanka ururrada oo ahayd 12/11/2011 kuna dhammaanaysay 12/1/2012 waxay guddidu qaadaysaa tallaabooyinkan:-

b. Inay dhammaatay, xidhantayna muddadii diiwangelintu.

t. Waxay u fadhiisanaysaa qiimayna ku samaynayan ururradii ay siisay foomamka.

j. Ciddii buuxisa shuruudaha laga rabo waxay siinaysaa oggolaansho ku-meel-gaadh oo ururkaasi ku hawlgalo.

2. Marxaladda hawlgalka;

B. Marxaladda hawlgalku waa lix bilood oo ka bilaabmaysa maalinta oggolaanshaha la siiyay

T. Waa in ururku u soo gudbiyaa guddida qabashada shirwaynaha ururka, meeshii uu ku qabtay, taariikhdii uu qabsoomay iyo wixii ugu waynaa ee ay qabteen, sida liiska magacayada xubnaha, golaha dhexe, guddida fulinta iyo magacyada hoggaanka xisbiga.

J. Caddayn in ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah lixda gobol uguna diiwangashan yihiin ugu yaraan kun qof (1000) gobol kasta, kuwaas oo haysta warqadda aqoonsiga oo sharci ah.

X. Inuu u soo gudbiyo gudida xeerkiisa iyo barnaamijkiisa siyaasiga ah

Kh. Urur kasta waa inay ku caddahay xeerkiisa ku dhaqanka dimuqraadiyadda, talo-wadaag iyo maamul-wadaag.

D. Urur kasta waa inay xeerkiisu waafaqsan yahay distoorka dalka iyo xeerarka dalka

R. Urur kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo Somalilander ah.

S. Urur kasta waa inay xeerkiisa ku caddahay magaca ururka oo dhan, ujeedooyinka ururka, qaab-dhismeedka ururka, xarunta dhexe ee ururka oo ku taal Somaliland gudeheeda, qaabka loo soo doortay ama lagu beddeli karo masuuliyiintiisa, shuruurdaha xubinta lagu noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iscasilaadda xubinta ama masuulka iyo qoddobo khuseeya sida xeer-hoosadka ururka wax looga beddeli karo.

Sh. Inay guddida u soo gudbiyaan meesha ay ka helaan ilahooda dhaqaale.

Markay dhammaato marxaladdan labaad oo ah marxaladda hawlgalka, waxay guddidu qaadaysaa tallaabooyinkan:-

B. Inay xidhan tahay waqtigii hawlgalku.

T. Waxay u fadhiisanayasaa qiiimaynta ururadii ay siisay ogolanshaha ku meel gaadhka.

J. Ururarda buuxiyay shuruurdihii looga baahnaa waxay guddidu siinaysaa oggolaansho ay ku galaan tartanka doorashooyinka dawlahada hoose.

Guddidu waxay mar dambe go'aamo ka soo saari doontaa marxaladda saddexaad oo ah doorashooyinka dawladaha hoose iyo shururudaha laga rabo saddexda xisbi qaran ee hadda jira.

Gebogebo:

Haddaba, si loo ilaalilyo xasilloonida dalka, loogana fogaado khalkhalgelinta waxay guddida diiwangelintu ka codsanaysaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay ku ilaaliso ururrada siyaasada inay ku dhaqmaan, una hoggaansamaan go'aamadan, waana inay gaadhsiisaa maamullada gobollada, degmooyinka iyo ciidanka nabadgelyada," ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Mr. Cabdirisaaq Ciyaale oo isna shirkaa jaraa'id ka hadlay, ayaa dardaaran u jeediyey ururrada siyaasadda, dadweynaha iyo warbaahinta, isagoo dhinacyadaas mid walba ka codsaday inuu ilaaliyo waajibaadka ka saaran hawsha diiwaangelinta ururrada iyo doorashada dawladaha hoose.
 

Source:Jamhuuriya