Guddiga
Dhexdhexaadinta KULMIYE oo Markii ugu Horreysay isa soo Hor
fadhiisiyey Labada Garab
Guddiga loo saaray xallinta khilaafka labada garab ee xisbiga
KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay si fool-ka-fool ah xalay isu soo
horfadhiisiyey dhinacyada ismaandhaafku u dhexeeyo, kadib markii ay
habeennadii la soo dhaafay kulamo goonni-goonni ah la labada geesood.
Ilo ku dhowdhow kulankaas ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in fadhigaasi
ku dhacay jewi fiican, isla markaana dhinacyada ka muuqatay inay
diyaar u yihiin xal dhexe oo lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya,
iyadoo guddiga dhexdhexaadintu labada geesood ka dhegaysteen
afkaarahooda iyo sida ay u arkaan xal-u-helidda ismaandhaafka
hadheeyey xisbiga KULMIYE gudihiisa.
Dhinaca garabka uu hoggaamiyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa
la sheegay in ay ku adkaysteen in dib loogu celiyo shirkii golaha
dhexe KULMIYE ee ismaandhaafku ka unkamay, isla markaana la qabto
shir kale oo khilaafka lagu xalliyo, halka dhinaca Guddoomiye
Axmed-Siilaanyo horkacayaana ay fikraddaas diidan yihiin, soona
jeediyeen inay aqbalayaan wixii aan ahayn shirkii golaha dhexe oo
lagu celiyo.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay guddiga dhexdhexaadinta iyo
labada dhinac toona, balse waxa la filayaa in xeer-beegtidu markay
dhammaystaan wadatashiyada soo saari doonaan go'âaanka kama
dambaysta ah ee ay ka gaadhaan xallinta khilaafka u dhexeeya labada
garab ee xisbiga KULMIYE.
Source:Jamhuuriya Online
|