Guddiga Dhaqaalaha Wakiilada Oo Wasiirka Duulista Wax Ka Waydiiyay Sharciyada U Fasaxday Lacagaha Sharci Darada Ah Ee Lagu Qaado Madaarada

 


Kulanka guddiga dhaqaaluhu la yeesheen wasiirka duulista iyo hawada oo ka qabsoom ay xarunta golaha wakiilada, isla..........

Hargeysa (TNN) - Guddiga dhaqaalaha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi kulan xogwaraysiya kala yeeshay sharciya da u fasaxday lacagaha Madaarada dalka dadka ka dhoofaya lagaga qaado iyo halka ay ku baxdo, taas oo ilo wareedyadu sheegeen in wasiirka duulistu lacagaha $10 ee laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo dagaya uu sheegay inaanu garanaynin halka lagu isticmaalo.

Kulanka guddiga dhaqaaluhu la yeesheen wasiirka duulista iyo hawada oo ka qabsooma y xarunta golaha wakiilada, isla markaana ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa ilo wareed yo u dhuun-daloola kulankaasi ayaa Haatuf u xaqiijiyay in wasiirka duulistu uu dhinac isk aga leexiyay qaadista lacagta $10 iyo halka ay ku dhacdo, taas darteedna ilo wareedya du tibaaxeen in wasiirku guddiga dhaqaalaha wakiilada u sheegay in cidda qaada lacagt aasi uu todobaadkan usoo gudbin doono, golahana hor keeni doono si loo sharciyeeyo lacagtaasi $10-ka dollor ah.

Waxa kale oo wararku intaasi ku dareen in wasiirka duulistu sidoo kale guddiga dhaqaal aha u balanqaaday in lacagaha $1 dollar ee laga qaado gaadiidka galaya Madaarka uu golaha horkeeni doono maalinta Salaasada si goluhu go’aan uga gaadho xalaalaynta lac agahaa qayrul sharciga ah ee uu ku soo rogay Madaarada Berbera iyo Hargeysa.

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland