Guddidii Qaban-qaabada Aaskii Marxuum Gaariye Oo U Mahad-naqay Madaxweynaha ,Jaaliyada Norwey Iyo Shacabka Somaliland

 



Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ahna Guddoomiyihii Gudidii.........

Hargeysa (TNN) - Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland. Abiib Diiriye (Nuur) , isla-markaana ahaa Gudoomiyihii Gudida qaban qaabadda aaskii qaran ee loo samee yay Marxuum- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa u mahad celiyay Madaxwey naha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii Marxuumka oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ahna Guddoomiyihii Gudidii qaba n-qaabada aaska Marmuum- Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya magaca Gudidii qaban-qaabada aaskii qaran ee maanta xabaalaha Xeed ho ee magaalada Hargeysa loogu sameeyay Abwaankii weynaa ee Marxuum- Maxamed Xaa shi Dhamac (Gaarriye), waxa aanu u mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan illaa maalintii uu Marxuumku ku geeriyooday isniintii todobaadkii hore magaalada Oslo ee dalka Norway qeyb libaax ka qaatay sidii halyaygaas qa ran ee Somaliland ka baxay si heer qaran ah loogu aasi lahaa dalkiisa hooyo.

Waxa kale oo aan si weyn ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii marxuumka.

Sidoo kale, waxaanu u mahad celinaynaa jaaliyada Somaliland ee Magaalada Oslo ee Marxuu m- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mudadii uu xanuunsanayay ku hayay cisbitaalka isla markaana soo taban-taabiyay sidii marxuumka maydkiisa loogu soo duulin lahaa dalka. Waxa anan Guddi ahaan leenahay ILAAHAY khayr ha idinkaga abaal-mariyo.

Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ahaa halyay iyo geesi qaran ee ka alin shariif ah ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalku soo maray, nabadeyntii beel aha iyo dib u dhiskii qaranka oo uu mar walba kaalin mugleh ka soo qaatay.
Waxaan Marxuumka ILAAHAY uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, shacbiga iyo qaranka Somaliland-na samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN.”


Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta dalka Uganda ugu baxay socda alkiisii u horeeyey ee uu dibada ku tago tan iyo intii loo doortay xilka madaxweynaha Somaliya.

 


Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland